|

Xuduudaha Badda iyo Berriga ee Dalka Nigeria Oo La Xidhay Xilli Doorashooyin Maalinta Sabtida Ka Qorshaysan yihiin

Lagos:Mar,26,2015(SDN/QJ)-Xilli lagu wado in Maalinta Sabtida ee foodda inagu soo haysa ay doorasho ka dhacdo waddanka Nigeria, ayaa lasoo saaray amar lagu xidhayo xuduudaha badda iyo Berriga ee dalkaasi la leeyahay Dalalka kale.

jocWar saxaafadeed ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in xuduuda la xidhi doono saqdii dhexe ee  habeenimada Arbacada xalay  ilaa saqda dhexe habeenka Sabtida saacada gudaha, si loo xaqiijiyo ammaanka doorashada inay si nabad ah ku dhacdo.

Doorashada madaxtinimada iyo tan Baarlamaanka ayaa noqoneysa tii u horeysay ee dhacda, tan iyo markii sanadkii 1999 uu soo gaba gaboobay xukunkii milateri ee dalkaas ka jiray.

Nigeria ayaa dagaal dheer kula jirta Kooxda Boko Haram, waxaana weerarada ugu badan ay ka dhacayeen Gobolada waqooyi bari ee dhinaca xadka xiga.

Boko Haram ayaa hore weeraro uga geysatay dalalka Cameroon, Niger iyo Chad, waxaana walaaca kooxdan laga qabo ay ku baahday dalalka gobolka oo dhan, taasoo keentay in haatan la iska kaashado dagaalka lagula jiro.

Ciidamo ka socda dalalka Gobolka ayaa lixdii todobaad ee u dambeeyay ka qabsanayay Boko Haram deegaano cusub.

Madaxweynaha Nigeria Goodluck Jonathan ayaa waxaa uu loolan adag kala kulmayaa hogaamiyihii hore ee Milateriga Muhammadu Buhari oo saddex jeer oo hore doorashada lagaga guuleystay.

Kumanaan dadka reer Nigeriga ah oo ka qaxaya weerarada lixdii sano ee u dambeeyay ka dhacayay dalka oo dalalka deriska qaxooti ahaan u galay ayaan la fileyn inay codeeyaan.

Saddexda gobol ee ay ku xoogan yihiin Boko Haram oo kala ah Borno, Yobe iyo Adamawa ayaa waxaa ka jira xaalad deg deg ah.

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed