Kooxo Bakoorado iyo Budhadh Ku Hubaysan Oo Xalay Weeraray La Taliyihii Hore ee Madaxweyne Siilaanyo, Waxyeellana Gaadhsiiyey Gaadhigiisa
Hargeysa:Mar,26,2015(SDN/QJ)-Kooxo Budhadh iyo Bakoorado ku Hubaysan, ayaa Xalay Weerar kusoo qaaday la taliyihii Madaxweynaha ee Beelaha La Haybsooco Haldoor Barkhad Jaamac oo dhawaan xilkaas iskii isaga casilay.
Sida uu Haldoor Barkhad ku sheegay Qoraal uu Bartiisa Facebook-gga soo dhigay, waxa ay kooxdani wadatay Gaadhi Nooca yaryar ee lagu raaxaysto ee Crown-ka loo yaqaan ah, waxana ay in badan daba socdeen La taliyahaas hore oo watay Gaadhigiisa gaarka ah.
Haldoor Barkhad Jaamac waxa uu tilmaamay in kooxdani ay waxyeello kooban gaadhsiisay Gaadhigiisa kadib markii ay gaadhigii ay wateen ku horgooyeen Baabuurkiisa oo xilligaas marayey Xarunta dhexe ee Shirkadda Telesom ku leedahay Badhtamaha Suuqa Hargeysa.
Haldoor Barkhad Jaamac, ayaa sheegay in kooxdan uu kaga baxsaday Gaadhigiisa, isla-markaana uu ka dacweeyey Saldhigga New Hargeysa oo haatan ay taallo dacwadoodu.
Haldoor Barkhad Jaamac oo kamid ah Aqoonyahannada Da’da Yare e kasoo jeeda Beelaha Gabooye, ayaa dhawaan iska diiday inuu qaato Xilkii la taliyenimo ee uu madaxweyne Siilaanyo hore ugu magacaabay, waxana uu si cad dhawaan ugu dhawaaqay isaga iyo Waxgarad iyo taageerayaal Beelaha Gabooye kasoo jeedaa inay ku biireen Xisbiga Waddani, taas oo keentay in loo qaado Colaad aan dhamaad lahayn.
Qoraal uu dhacdadan naxdinta leh ee qabsatay Haldoor Barkhad kaga hadalayo ayaa sidatan u dhignaa:
“Alhamdulilah, waxaan ka badbaaday rag i soo weeraray oo rabay iney waxyeelo ii geystaan iyagoo ilaa caawa gaadhigeyga daba socday wateyna gaadhi yar oo nooca loo yaqaano crown ka ah. waxay akhirkii ku hor jareen gaadhigeyga kii ay wateen anigoo maray telsom horteeda balse uma suuroobin iney wax igu dhuftaan waxayse waxyeelo kooban gaadhsiiyeen gaadhigeygii markii ay soo degaan iyadoo wata budhadh waxaanan kaga baxsaday gaadhigii aan watey iyadoo aan galay Saldhiga New hargeisa dawadoodiina aan ku qoray buuga dacwadaha taliyaha saldhigana aan u sharaxay wixii dhacay cida soo dirteyna waan garanayaa ee nin waxaasi wax ka qaadan ma yihi dawacdoodina saldhigaan dhigay.
Gobey liico ha jabin.”
SDN/QJ