Fanaaninta iyo Abwaaniinta Reer Uk oo Caleemo Saray Suldaanka Fanaaninta ee Qurbe jooga Suldaan Kamalu Diin Xaaji Yusuf
London 26March15 (SDN/QJ) Kulan balaran oo aad loo soo abaabulay ayaa waxa lagu caleema Saray Suldaanka Fanaanita qurbejooga reer Uk Suldaan Kamaalu Diin Xaaji Yusuf oo in ka badan mudo 4o sano fanka ku soo jiray xafladan oo ay soo abaabuleen fanaanita reer uk iyo Abwaninta ayaa waxa hadal soo dhawayn iyo duco ka soo jediyiyey Abwaan Dhaglas oo ka shekeeyey Tariikhdii fanaanka Musikaysata iyo mulaxanka Suldaan Kamalu diin uguna hamblyeyey Caleemo saarka iyada oo goobta ahayd madal kulmisay abwaaniin iyo fanaaniin iyo mulaxaniin una garteen in uu noqdo Suldaanka guud ee Fanaaninta ,Suldaan kamaludiina ayaa goobta uga mahad celeyyey dhamaan asxaabtiisa u gartay in uu noqdo suldaan guud ee fanaaninta waxa kale oo suldaanku shegay in maalinta jimcaha ee bishu tahay 27/3/15 uu ku began yahay Somaliland casimadii fanka halkaas oo laga filaayo soo dhawayn balran.waxa kale oo goobta heeso la yaableh soo bandhigtay fanaanada Nimco Yasiin Nimco Sharaf oo sheegtay inuu Suldaan Kamalu diin u bixiyey Magacaas ugana mahad celinayso gabagabdii ayaa waxa goobta looga duceyey Suldaanka in wadankii ku nabad geeyo
Halkan ka daawo Caleema saarki iyo Caano shubkii Suldaanka Fanaaninta iyo Abwaanada.