Maxkamada Ciidamada oo Xukun dil ah ku riday Askarigii dhawaan Dilay Ganacsade Gacmo dheere iyo Taliyihiisii oo lagu Xukumay 10 Sano oo Xadhig ah DAAWO
Hargaysa 25.March 2015 (SDN/QJ)- Maxkamada Ciidamada ayaa Fadhi ay Maanta ku yeelatay Magaalada Hargaysa Waxay Dil toogasho ah ku Xukuntay Askari Boolis Maxamed Cabdilaahi Cabdi oo ahaa Askarigii dhawaan Tuulada Qoton dabo ku dilay Marxuun Xuseen Gacmo dheere oo ka mid ahaa Ganacsatada Waaweyn ee Somaliland Sidoo kale Waxay Maxkamadu 10 Sanno oo Xadhig ah ku riday Taliyihii gacan ku dhiiglaha oo ay Maxkamadu sheegtay inaanu gudan Waajibaadkii Mas’uuliyadeed ee dusha ka saarnaa isla markaana uu sameeyay amar diido.