Cali Khaliif, Xildhibaanno iyo Saraakiil Kasoo Jeeda Deegaankiisa Oo Shirar Doceedyo ku Leh Hutello Muqdisho Ku Yaalla
Muqdisho:Mar,25,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif iyo Saraakiil kale oo ay isku deegaan yihiin shirar hoose ku leeyihiin Hutel Village, iyadoo halkaas lagu lafogurayo sidii looga Gudbi lahaa Caqabado dhawr ah oo Maamulkaasi ka tallaabsan waayey.
Shakhsiyaadka Shirkan ku Wehelinaya Cali Khaliif, ayaa la sheegayaa inay ku jiraa Madaxweynihii hore ee Maamulkaas oo isagu fashil ku dhamaystay xilligiisii, Xildhibaanno Deegaanadaas kasoo jeeda oo Baarlamaanka Somalia ku jira iyo Taageerayaal kale oo Muqdisho ku nool.
Sida wararku sheegayaan, waxa Kooxda Halkaas ku shirtay ay faalleeyeen sidii maamulkaas u heli lahaa aqoonsiga Dawladda Federalka Somalia oo ilaa iyo haatan aan jawaab fiican siinin Maamulkaas.
Maamulkan oo u muuqda mid magac ahaan uun u jira, ayaa haatan hoggaankiisu muqdisho saldhig ka dhigtay, waxana ay gebi ahaanba ka dhaqaaqeen deegaanada ay sheegtaan oo ay dhuumasho ku joogi jireen.
Cali Khaliif, ayaa dhawaan isagu shir gaar ah la yeeshay Madaxweynaha Somalia, waxana uu isku dayey inuu ka dhaadhiciyo Maamulka uu sheegto, balse jawaab arrintaas ku aaddani kama ay soo bixin dhinaca Madaxtooyada Somalia.
Dawladda Federalka Somalia, ayaa Haatan ku Hawllan sidii ay u fidin lahayd maamul-goboleedyada Distoorka dalkaasi ku qeexan, balse indhaha Dawladdu wali masoo qabanin Maamulka uu Cali Khaliif sheegto ee Khaatumo, waxana taasi niyadda ka jabisay Cali Khaliif iyo Kooxdiisa.
SDN/QJ