|

Dagaallada u Dhexeeya Dhinacyada Isku Haya Dalka Libiya Oo Meel Halis ah Maraya iyo Diyaarado Dhulka Lasoo Dhigay

Tebruk:Mar,25,2015(SDN/QJ)-Dhinacyada isku haya Maamulka Waddanka Libya, ayaa dagaalkoodu gaadhay meel sare, waxana Haatan Kooxda Al-fajr ee Caasimadda Gacanta ku Haysaa,  dhulka laga soo dhigay Diyaarad ay lahaayeen oo duqaynaysay Xukuumadda Caalamku taageersan yahay ee Fadhigeedu yahay Tebruk.

MiG fighter aircraft is seen parked on the runway at TammahintDiyaaradan u dagaalameysay isbaheysiga Al Fajar ayaa kusoo dhacday nawaaxiga magaalada Zintan oo ah goob ay ku xoogan yihiin dagaalyahanada taageersan xukuumada fadhigeedu yahay Tabruk.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya xoogaga uu hogaamiyo Jeneraal Haftar oo taageersan xukuumada caalamka aqoonsan tahay ee Tabruk iyo xukuumada Islaamiga ah ee gacanta ku heysa caasimada Tripoli.

Waan waantii nabadeynta ee Qaramada Midoobay ka dhexwaday labada dhinac ayaa hakad ku yimid kadib markii ciidamada Jeneraal Haftar ay todobaadkan weerar ku qaadeen caasimada Tripoli.

Dagaalyahanada Misarata oo hoostaga xukuumada Islaamiga ah ee Al Fajar ayaa dhankooda sheegay in Haftar uu caqabad ku yahay nabada Liibiya, waxayna sheegeen inaysan taageeri doonin xukuumad uu qeyb ka yahay.

In badan oo kamid ah saraakiishii hore ee Xukuumadii Col.Qadaafi ayaa kamid ah dowlada fadhigeedu yaha Tabruuk ee heysata aqoonsiga caalamka iyo taageerada Qaramada Midoobay.

Halka kooxaha Islaamiga ah ee Liibiya ay isku baheysteen maamulka Al Fajar ee gacanta ku haya caasimada Tripoli iyo waliba magaalada labaad ee Benghazi.

Jeneraal Haftar oo la sheegay inuu gacan ka helayo Masar iyo Imaaraadka ayaa marar badan isku dayey inuu kooxaha Islaamiga ah ka saaro labada magaalo ee ugu waaweyn, wallow uusan illa iyo hada ku guuleysan.

Xukuumada Tabruuk ayaa dhawaan Gen.Haftar u magacaabay Wasiirka Difaaca, wallow la tuhunsan yahay in qorshaha Gen.Haftar uu yahay inuu mustaqbalka noqdo hogaamiyaha dalka Liibiya

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed