Duyuurad nooca Rakaabka ah oo Jarmalka laga leeyahay oo ku dul burburtay Buuraleyda Faransiiska
French Alps Mar 24, 2015(SDN/QJ)-Duyuurad nuuca Airbus loo yaqaano oo ay laheyd shirkada duyuuradaha ee Lufthansa garabkeeda Germanwings ayaa ku dul burburtay buuraleyda Faransiiska ee loo yaqaano French Alps.
Duyuurada ayaa siday 144 rakaaba iyo 6 shaqaale ah ayaa ka soo duushay magaalada Barcelona kuna soctay dalka Jarmalka magaaladiisa Duesseldorf.
Ciidamada amaanka ee dalka Faransiiska ayaa shaaciyay baaritaan ay sameeyeen dabadeed in dhamaan rakaabkii saaraa duyuurada ay geeriyoodeen.
Inta badan dadkii saaraa duyuurada ayaa u dhashay dalalka Jarmalka iyo Spain sida uu xaqiijiyay Raisul wasaare ku xigeenka dalka Spain.
Ma cada sababta dhaba ah ee duyuurada ka soo riday samada, waxaase la soo arkay bur burburka duyuurada oo ku baahsan dhul baaxadiisu tahay ilaa 200 oo metres.
SDN/QJ-French Alps
contact@qurbejoog.com