|

“Waxan ugu Baaqayaa Dadweynaha Labada Degmo ee Cadaadley iyo Sabwanaag inay Sida ugu Dhakhsanaha badan Kalsoonida ugala noqdaan Xukuumada Silaanyo “Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin

Hargeysa24Mar15(SDN/QJ) -Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin Oo Kamida Madax-dhaqameedka Beesha Bariga Hargeysa ayaa waxa uu Xukuumada Ku Cambaareeyey waxqabad la’aanta ka jirta labada Degmo ee Cadaadley iyo Sabawanaag oo uu Suldaanku sheegay inaan baahiyaha Bulshada sida Caafimaad ka Waxbarashada iyo Biyaha habayaraatee wax laga qabtay jirin intii Xukuumadani talada haysaySuldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxa uu Bulshada reer Sabawanaag iyo Cadaadley Warbaahinta u mariyey isla markaasina usoo jeediyey inay u midoobaan wax ka qabashada Baahiyaha Deegaankooda isla markaasina ay iskugu yimaadaan Shir ay kaga wada hadlayaan Aayahooda isla markaasina ay tallo midaysan ka qaataan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha Bulsho ee ka jira Deegaankooda

Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay xaalada Deeganka Sabawanaag iyo Cadaadley oo uu tilmaamay inay yihiin labada Degmo ee ugu liita guud ahaan dalka xaga waxqabadka xukuumada ee dhinac-yada kala duwan ee Baahiyaha Bulshada

Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa sidoo kale waxa uu tibaaxay in saamigii Xukuumada ay ku lahaayeen ee ay xaqa u lahaayeen inay ka helaan Xukuumada lagu casuumay beelo kale isla markaasina Beeshani ka qatan tahay dhamaan xuquuqdii ay ku lahayd Xukuumadan talada haysa

Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin ayaa dhinaca kale waxa uu ka hadlay arimaha Doorashada Wakiilada iyo Madaxtooyada taasoo uu soo jeediyey inaan hal maalin loogu darin isla markaasina aan dib loo dhigin waqtigii loogu talo-galay inay ku qabsoomaan isagoo isla markaasina wixii dib u dhaca ee ka yimaadana eedeeda dusha ka saaray madaxweyne Silaanyo

 

Gabagabadii ayaa waxa uu Suldaan C/raxiim Saxardiid Kaahin guud ahaan shacabka reer Somaliland usoo jeediyey inay u midoobaan sidii ay dalka uga kicin lahaayeen Xukuumadan axmaqnimada iyo Duliga badan baday Dalka iyo Dadka Somaliland

 

Comments are closed