|

Magaca Wiil Soomaaliyeed Oo Ciidamada Sirdoonka Britain Raacdo Ugu Jiraan iyo Shaki Laga Qabo Inuu Daacish Ku Biiray

London:Mar,24,2015(SDN/QJ)-Ciidamada Sirdoonka Waddanka Ingiriiska, ayaa raacdo ugu jira Wiil Soomaaliyeed oo Arday ka ahaa Dugsiga Church England School.

ladoWiilkan oo Magaciisa lagu sheegay Zubeer, ayaa la sheegayaa inuu Guddoomiye kuxigeen ka ahaa Ardayda Dugsigaas dhiganaysay, waxana hadalkiisu haatan ku badan yahay Dugsigii uu dhigan jirey.

Zubeer Nuur oo 19 jir Soomaali ah ayaa la sheegay in markaliya isbadal ku yimid isla-markaana bilaabay in uu ku labisto dharka Islamka waxaana uu dhawaanahanba qaadan jiray dharka khamiiska iyo cimaamado isla markaana waxa uu xidhiidh xaga internetka la lahaa kooxda daacish,wuxuuna markaliya go,aansaday in uu u baxsado kooxdaasi, Booliiska Ingiriisku ayaana iminka bilaabeen raadintiisa,waxaana isha lagu hayaa xuduuda Turkiga.

Zubeer Nuur ayaa lagu sheegay nin ilaahay ku manaystay Maskax oo uu ahaa wiil waxbarashada aad ugu fiican imtixaanadana keenay darajo sare, balse waxa uu go,aansaday in uu Daacish u dagaalamo, lamana oga sababta ku dhalisay iyo cidda ku dhiirri gelisay ku biiriddiisa Daacish.

Bil walba Boqolaal dhallinyaro ah, ayaa si joogto ah ugu biira islaamiyiinta Daacish oo caan ku noqday Soo Jiidashada Da’yarta muslimiinta ah ee Dunida ku nool, waxana taasi keentay inay waalidiin badani seexan waayaan warwar ay ka qabaan Carruurtooda.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed