Kala Shaki Ka Dhex Jira Ciidamada Ammaanka Puntland Oo Keenay In Dhaawacyo Soo Gaadhaan Saraakiil Sarsare
Garowe:Mar,23,2015(SDN/QJ)-Kala shaki ka dhashay Weerarrada qorshaysan ee Kooxda Al-shabaab ku hayaan Deegaanada Puntland, ayaa keenay in ciidanku toogtaan saraakiil iyaga katirsan oo Hawlo amni ku gudo jirey.
Ciidamo ku sugnaa Bar Kantarool oo ku taalla Gudaha Garowe, ayaa Rasaas ku furay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Sirdoonka Puntland, waxana Halkaas ku dhaawacmay Sarkaalkii iyo Askari kale oo ilaalo u ahaa.
Sarkaalka la dhawacay oo lagu Magacaabo Maxamed Caydiid ayaa ahaa Taliye cusub oo dhawaan loo magacaabay Ciidanka Sirdoonka Hay’adda PIA ee Gobolka Sanaag, waxaana sarkaalkan soo gaadhay dhawac culus, oo uga yimi toogasho ay u geysteen ciidan kale oo ku sugnaa bar kaantarool, sidaana waxaa warbaahinta u xaqiijiyey dad goobjoogayaal ah.
Dhinaca kalena Dadweynaha ku nool magaalada Garoowe ayaa xalay si weyn ay dhegohoodu u maqlayeen rasaas kala duwan oo ay jihooyin kala duwan ka ridayeen ciidamad amniga, hase ahaatee weli saraakiisha amnigu arrintan faahfaahin badan kamay bixin.
Ciidamada Amniga ayaa iyagu habeennadii ugu dambeysay waday talabooyin lagu xaqiijinayo amniga Caasimadda Puntland, isla markaana magaalada ka dhex sameeyey illaa 15 goobood oo dadka iyo gaadiidka magaalada lagu baadho.
Hawlgalladan cusub ayaa ku soo beegmaya xilli ay halkaas ka jiraan khilaaf ka dhashay saraakiil ciidan oo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas uu xilka ka qaaday bishii February saraakiil ciidanka ka tirsan balse iyagu diiday inay xilka wareejiyaan, waxaana ciidamada ammaanku ay samaynayaan hawlgallo dhinaca amniga ah oo ay uga jawaabayaan saraakiishaas diiday inay xilka wareejiyaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com