Xasan Sheekh Oo Amar Ku Bixiyey In Ciidanka Nabadsugiddu Xoog Kula Wareegaan Tiro Gaadiidka Aan Xabaddu Karin ah Oo Uu Ra’isal Wasaarihii Hore Gacanta Ku Hayey
Muqdisho:Mar,23,2015(SDN/QJ)-Tiro kamid ah Gaadiidka aan Xabaddu Karin oo uu gacanta ku hayey Ra’isal wasaarihii hore ee Somalia, ayaa Ciidanka Nabad-sugiddu si xoog ah ugala soo wareegeen Aqalka uu deggenaa Cabdiweli sheikh Axmed.
Ciidanka Nabad Suggida oo watay dhowr ka mid ah gaadiidka dagaalka, ayaa Jimcihii gudaha u galay hoyga Ra’iisal Wasaarihii hore. Waxayna ka soo kaxeeyeen ilaa saddex xabo oo ka mid ah gawaadhida Bullet Proof. Hoyga la weeraray waxa uu ku yaala meel ku dhow Garoonka Aadan Cadde.
Ciidamada Nabad Suggida, ayaa hoygaasi kaga soo tagey hal gaadhi oo qudha, si uu ugu socdo C/weli Sheekh Axmed Maxamed, iyadoo laga duulayo inaan lagu beegsan Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Nabad Suggida, ayaa hoyga C/weli Sheekh Axmed tagey, xilli uu safar uu ugu maqan yahay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya. C/weli waxaa maalmaha ina soo aadan lagu wadaa inuu ku soo laabto Magaalada Muqdisho.
Wararka Warbaahinta qaarkood helayaan, ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Bixiyey Amarka Gaadiidkaas lagagala wareegayo gaadiidkaas muhiimka u ahaa Noloshiisa ammaan.
C/weli, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay Magaalada Muqdisho ka waday olole siyaasadeed, si siyaasadda dalka uu kaga soo muuqdo mustaqbalka dhow.
C/weli waxaa lagu xusuustaa in cidhiidhi uu geliyay xidhiidhkii Dowladda Federalka Somaliya iyo Beesha Caalamka, markii uu soo ifbaxay khilaafkii xadhgaha goystay, ee Madaxweyne Xasan kala dhaxeeyay.
SDN/QJ