Maxay Yihiin Caqabadaha Haysta Maalgashi dibadeed oo Somaliland laga Hirgaliyo?
Hargeysa, 23March, 2015 (SDN/QJ)- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay in hirgelinta Bangiyada Ganacsi iyo Shuruucdii ay ku hawl-gali lahaayeen tahay caqadda ugu weyn ee hortaagan maalgeli dibadeed ee Somaliland ka hesho beesha Caalamka, sidaas awgeedna loo baahan yahay abuuritaanka iyo kobcinta hay’adaha dhaqaale ee dalka si loo daboolo baahiyaha shaqo iyo dhaqaale ee dalka ka jira
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Guddoomiyaha cusub ee Baanka Dhexe ee Somaliland, ayaa soo jeediyey in hirgelinta Bangiyadu yihiin caqadaha ilaa wakhtigan dalka ka hortaagan maalgelin dibadeed, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la abuuro Bangiyo ka hawl-gala dhammaan gobollada dalka si ay ugu fududaato helitaanka maalgeshi lagu xoojiyo koboca dhaqaale ee dalka.
Wasiirka qorsheynta Qaranka oo ka hadlayey munaasibad ay shalay xilalka kula kala wareegeen guddoomiyihii hore iyo Guddoomiyaha Cusub ee Baanka Dhexe, waxa uu sheegay in Bangiyo badan oo dalka laga hirgeliyaa ay suurto-galinayso maalgashi dibadeed oo wax ka qabta aafooyinka shaqo la’aantu ka mid tahay, waxaanu yidhi, “Inkasta oo Hawlo badan iyo horumar badan oo Muuqda aynu ku tallaabsanay haddana Caqabado ayaa ina horyaalla, kuwaas oo ay kamid yihiin Shaqo la’aan iyo Wax soo saarid yaraan, Maalgashigana tiir dhexaad waxa u ah Bangiga, Haddii aan Bangi jirin Maalgelin la heli maayo, Sahamo badan oo la qaadayna waxay muujiyeen in caqabadda ugu weyn ee hortaagan dadka doonaya inay wax bilaabaan ay tahay Baan la’aan iyo Lacag la’aan.
Waxa aan ka Hadlayaana waa Bangiga meel walba laan ku leh ee Qofku waxna dhigan karo, waxna ka qaadan karo, waxaana la inooga baahan yahay sidii aynu u kobcin lahayn Hay’adaha dhaqaalaha.”
Guddoomiyaha Cusub ee Baanka Dhexe Maxamed Cabdilaahi Xaaji Jaamac, ayaa isaguna tilmaamay muhiimadda Bangiyadu u leeyihiin dhaqaalaha dalka, waxaanu Goleyaasha sharci-dejinta ka dalbaday in loo dedejiyo hirgelinta shuruucda ku xidhan Bangiiyada oo uu sheegay inay baahi weyn u qabaan si loo hirgeliyo Maalgelin caalami ah oo shuruucdeedu dhamaystiran tahay, waxaanu yidhi, “Wixii Shuruuc ee inaga qabyo ah waxaanu codsanaynaa in naloo soo dedejiyo, waayo dunida haddii aanad haysanin sharcigii loo baahnaa iyo sidii loo ilaalin lahaa aduunyada sharcigaaga waxba ku falimayso, Nidaamka aynu maanta Haysanana waa mid aad u sarreeya oo xataa dalalka reer Yurub aanay haysanin, waxana kamid ah Zaad iyo E-dahab, waana qaanbax markiiba la kala qaan-baxayo, haddii aynaan shuruucda hagaajisanini maalgelinn helimayno.”
Golaha Wakiiillada Somaliland, ayaa ajandaha Kalfadhigooda 27aad oo furmay todobaadkii hore, waxa qayb ka ah meel-marinta iyo Ansixinta Xeerar door ah oo uu ka mid yahay Xeerka Baananka, kaas oo caqabad ku noqday inay dalka ka hawl-galaan bangiyo Caalami ah oo dhaqaalaha Somaliland ku xidha dunida inteeda kale.