Fariin dhaxal gal ah oo Sheekh Maxamed Sh.Cumar Dirir u diray Golaha Deegaanka Hargaysa
Hargeysa, 23 March 2015 (SDN/QJ)-Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa u soo jeediyay dawlada Hoose ee Magaaladda Hargeysa in ay qorshayso dhismaha Xabaalaha Masalaha ee Magaaladda Hargeysa. Isla markaana wuxuu kula dardaarmay in ay qurxiyaan oo ay qaabeeyaan cabirka dhulka si aanay u buuxsamin xabaalahaasi.
Sidoo kale, Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxa uu ku taliyay in la iska wada kaashado sidii wado loogu samayn lahaa xabaalaha.
Sidaasna waxa uu ka sheegay Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir mar uu shalay ka qayb galay aaska rabbi naxariistii janno ha ka waraabiyee Marxuum Cabdikayd Cabdilaahi Yuusuf oo hargeysa lagu aasay.
“Halka aynu joognaa waa meesha walaalayaal loo soo wada socdo, waxaanan kula talin lahaa dawlada hoose ee Magaaladda Hargeysa in ay qorshaha ku darsadaan sidii loo qaabayn lahaa xabaalaha, dadkana loogu cabiri lahaa.Waliba waxa muhiim ah in la sameeyo dhabo dhex marta xabaalaha si aan loo dul marin dadka ku aasan.”ayuu yidhi Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir waxaanu hadalkiisii sii raaciyay “Waxaynu galaynaa wakhtigii roobka waxaana looga baahan yahay dawlada hoose ee Magaaladda Hargeysa inamada ka shaqeeya ee xabaalahan ilaaliya lagala shaqeeyo, si ay iyaguna u sii qodaan oo ay xabaalo diyaarsan oo aan iilka la duwin uun inoogu soo qodaan”
Xildhibaan Cabdilaahi Aw Aadan oo ka mid ah Golaha Deegaanka ee Magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan inta uu sheekhu sheegay isla markaana ay xisaabta ku darsan doonaan.