Xukuumada Somaliland oo Jawaab ka Bixisay Hay’ad Denmark oo Somaliland ku Tilmaantay Dal Argagixiso
Hargeysa, 23 March 2015 (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaarada Qorshaynta qaranka Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay Muran hadheeyay jaamacada Hargaysa, isla markaana wuxuu sheegay in guddi madaxbanaan loo saaray khilaafka ka taagan, sidii wixii khaldamay loo sixi lahaa sharci adagna jaamacada loogu samayn lahaa.
Wasiirku wuxuu jawaab ka bixiyey hay’adda Daynish ah oo Somaliland ku tilmaamtay dal Argagixiso ah “jaamacadu runtii horumar balaadhan ayay samaysay sadexdii Sano ee ugu danbeeyay,halkii ay joogtay markii hore iyo halka ay maanta joogto aad ayay u kala fog yihiin, Haday noqoto dhinaca maamulka dhinac ardayda,dabcan tabasho way iska jirtaa,Meel tabasho La’ina ma jirto, laakiin anaga waajibka na saarani waxa weeyaan sidaanu u sixi lahay una waanajin lahan Jaamacadda.”ayuu yidhi Sacad Cali Shirre
Wasiirku wuxuu intaa ku daray hadalkiisii “Waxaanu samaynay afar gudo si sharci ah loogu noqonayo kuwa dhaqaalaha kuwa Akaadamiyada iyo kuwa maamulka intaa oo dhan, Wiigan gudihiisa ayaanu shir isugu soo noqonaynaa. Sidii aanu shuruucda jaamacadda meel iskula dhigi lahayn sharci lagu dhaqmana ugu samayn lahayn, Hamigayagu waxa uu yahay in ay Jaamacadu noqotu jaamacad tayo leh oo caalamka laga ictiraafsan yahay oo jaamacaddaha ugu wanaagsan geeska Africana noqota.
Sidoo kale,wasiirku wuxuu ka jawaab ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Hay’add dhanish ah oo amaanka Somaliland ku tilmaamtay mid aan la isu halayn Karin wuxuuna yidhi;“Waan arkay waan soo saaray waxaanan kala hadlay safiirka u fadhiya dalka Keniya si gaar ah emailna waan u diray, waxaanan kala hadalna in la saxo ama laga saaro warkaas ay sheegeen Somaliland.”
Dhinaca kale, wasiirku wuxuu ka hadlay kooramkii gudida boodhka jaamacada oo maalin kasta kooram la’aan u baaqday iyo go’aamada uu soo saaro guddoomiyaha boodhka oo loo yaqaano go’aamo sacad waxaana uu yidhi“Runtii arimahaas waxba kama jiraan gudidu runtii markii hore waxa ay ahayd sagaal,Laba qof ayaa naga baxay hada waxaanu ku joognaa todoba labadaas baxayna waxaanu ku talo jirnaa inaanu buuxino,markaas wax afar Qof oo kooram ah aanu go’aan ku gaadhno maba jiraan,gudiduna runtii bishii mar ayay fadhiistaan go’aan kaligayba Magaadhi Karo wax iga-fulaana waxba majiraan ee waa go’aan loo dhan yahay ayaanu gaadhnaa waana arin gudi”.