|

Nuxurka Warqad Qoraal ah Oo Madaxweyne Siilaanyo Ku Dalbaday Inuu Labada Aqal Hori man Doono Oo Maanta Laga Hor Akhriyey Golaha Wakiillada

Hargaysa:Mar,22,2015(SDN/QJ)-Qoraal Nuxurkiisu ahaa Ballan uu Madaxweyne Siilaanyo Labada aqal ee Golaha Wakiilada iyo Guurtida ku  ugu hor iman doono Khudbad  sanadeedkiisa, ayaa Maanta laga hor akhriyey Golaha Wakiillada Somaliland.

nurMudanayaashii Maanta Fadhiga Golaha Wakiillada Soo xaadiray, ayaa loo akhriyey warqadda ballanta ah ee Madaxweynaha ka timi, waxana lagu wargeliyey inay soo ajiibaan Maalinta uu Madaxweynuhu labada Gole la hor iman doono Khudbad sanadeedkiisa oo muddo la sugayey.

Cabdiraxmaan Ciro ayaa golaha u sheegay in Ay soo gaadhay Golaha warqada ka timid Madaxwaynaha Somaliland waxaana ka hor akhriyay Xog-hayaha Golaha wakiilada cabdirisaaq Siciid Ayaanle.

“Halkan waxa aynu ku Haynaa Waraaq ka Timid Madaxwaynaha somaliland oo ku saabsan Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga Ahayd ee laga rabay Madaxwaynaha somaliland oo Labada Gole Sanadkasta ka Hor Akhriya.Ayaa uu yidhi Cabdiraxmaan Ciro

Warqadaas Golaha soo gaadhay ayaa waxa Golaha ka Hor Akhriyay Xog-hayaha Golaha wakiilada somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle waxaana uu yidhi.

“ku Shirguddoonka iyo Dhamaan Xildhibaanada Golaha wakiilada,ku Shirguddoonka iyo dhamaan Xubnaha Golaha Guurtida Ujeedo Khudbad Sanadeedka Madaxwaynaha somaliland,Mudanayaal aniga oo cuskanaya Qodobka 46aad ee Dastuurka Jamuuriyada somaliland waxaan Si sharaf iyo Qadarin mudan idiinku baaqayaa inaad iskugu timadaan Maalinta Sabtida oo Bishu Tahay 28 Bisha 3aad ee 2015ka.

 

Intaas waxa uu raaciyay Xog-hayaha Golaha wakiilada somaliland. “Maalintaas waxaan jeedin Doonaa Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga Ah labada Gole Hortooda ee 2015ka waxaanan idinka Codsanayaa inaad ka hawl gashaan Arintan Inaad ka soo qayb gashaan Sidii Shirku U Qabsoomi Lahaa Fadhiguna waxa uu Siwada jir Ah uga Qabsoomayaa Aqalka Golaha Guurtida Somaliland.”

Madaxweyne Siilaanyo oo Haatan ay siyaasadiisa dulhoganayaan Turaanturrooyin siyaasadeed, ayaa si weyn loogu xiiso qabaa Khudbad sanadeedkiisa, waxana la filayaa in uu si weyn ugaga hadli doono arrimaha Doorashooyinka waddanka ka qorshaysan.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed