|

Ciidankii Commandooska ahaa Ee Maraykanka Ka Joogay Dalka Yemen Oo Halkaas Iskaga Baxay

Sana’:Mar,22,2015(SDN/QJ)-Boqol kamid ahaa Ciidamada Sida gaar ah u tababar ee Maraykanka ka joogay Dalka Yemen, ayaa Halkaas iskaga Baxay, Kadib Markii uu soo xoogaystay qalalaasaha dalkaas ka aloosani.

yarooCiidamada Mareykanka, ayaa laga daad gureeyay xerada Al Anad oo ku taala duleedka Magaalada Al-Houta, xilli Xoogaga Al Qaacidada Yemen ay  si buuxdo ula wareegeen gacan ku haynta Magaalada Al-Houta.

Ciidamada Mareykanka, ayaa xeradaasi tababaro ku siin jiray Ciidamadda Dowladda Yemen, ee qaada hawlgalada xagga cirka ah ee ka dhanka ah Saraakiisha Al Qaacidada Yemen.

Lama garanayo goobta rasmiga ah ee loo daabulay Ciidamada Mareykanka ee xerada Al Anad laga saaray. Sidoo kalana Dowladda Mareykanka, ayaan si rasmi ah u xaqiijin kala bixitanka Ciidamadeeda Koonfurta Yemen.

Saraakiil Dowladda Yemen ka tirsan, ayaa Warbaahinta Caalamka u xaqiijisay in Dowladda Mareykanka, ay Ciidamadeeda kala baxday xerada Al Anad.

Loolanka dalka Yemen ka taagan oo markii hore u dhaxeeyay Dowladda Yemen, Al Qaacida iyo Xuuthiyiinta, ayaa waxaa xilligan mooddaa inay ku soo biirtay Daacish, oo ka dhisan dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Daacish waxay Jimcihii sheegatay weeraro ismiidaamin ahaa oo laba Masaajid Magaaada Sanca ku yaala lagu qaaday, laguna dilay in ka badan 130 ruux, halka 200 oo kalana lagu dhaawacay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed