Isku shaandheyntii Xukuumada Siilaanyo kuma fadhido Dawlad wadaag iyo talooyin ku saleysan dhaxalkii Awoowyaasheen
” Timo Xiirista waxaa lagu bar-bartaa madaxyada kala duwan ee caruurta baariga ah ee aan dhaq-dhaqaaqin marka loo xiiraayo” Waxaanu hadaba la yaabay waxa uu Madaxweyne Siilaanyo u taaban waayey ee uu u saafi waayey Madaxyada ku qal-qaaliyoobay shacabka Somaliland iyo Xukuumadiisaba.
Waxaa wax garadka fogaan araga ahi ay isku raaceen in isku shaandheynta xukuumada lagu sameeyey dhawaan qaar ka mid ah wasiirada, wasiiro ku xigeenada iyo hawl wadeenadeeda kala duwan ee xukuumada qaarkood aaney wax saameyn ah haba yaraatee ku sameyn doonin Hab-dhaqankii, habqankii, Hanti boobkii ,hormo-qamaamkii iyo asqo xukunkii ay xukuumada Siilaanyo ku hageysay hab-maamulkii xukuumadeed ee loo igmaday loona dhaariyey. Jawaabteeda oo koobana waa sidan;
1- Siilaanyo muu taaban oo muu baarqab-jebin manuu bedelin wasiiradii shacabka reer Somaliland ula baxeen Ceeb-kasaliim lama taabtaan, lama bedelaan kuwaas oo iyagu caadeystay oo ku caan baxay baf-baf, buuftan, boolo-xoofto, nabaro duudsi ah iyo dhagaro aan bireysneyn oo booli ah..
2-Muu taaban wasiiradii ku caanka baxay siyaasada deris ku noosha ah ee huwan-lahwiga,Laab-lakaca, Surmo-seegtooyinka aan dhu-dhunka iyo dhumucda la hayn, kuwaas oo aan wadanka udhurin, udhafrin oo aan udhaamin oo aan meersina u tolin sadarna uqorin suuradna u sameyn sawirna u xardhin.
3- Siilaanyo Muu taaban ku wii ku caanka baxay caadooyinka gun-nimada ah, colaadaha degamsan ee degaameysan, xiisad sameynta iyo xaalad-abuurka.
Laga wado Degaanada dalka gaarkood.
4- Muu taaban kuwii ku caanka baxay labaca ,laba liska iyo biyo dhiijinta hantida qaranka ku waas oo qiiqa isku qariya oo ka maquurta is-xisaabinta,xilgudashada iyo xaliibnaantii hab-dhaqankii dawladnimo.
5- Muu taaban kuwii qaranimada u yaqaaney is-nuuga, isxaafadeysiga, taajir wasteysiga,shaqsi jecleysiga, sheerar kala iibsiga,kuwaas oo dantii guud ee ummada ka yeelay irbad, gawn,midigeys iyo oodeys aaney xaq iyo xeertoona u-lahayn.
Guntii iyo geba-gebadii qormadan, Xukuumada Siilaanyo ha loogu dhaarto in ay Dawladnimadu tahay dhamaan shacabka reer Somaliland qaybihiisa kala duwan oo isku duuban oo wax wada yeesha oo isku dan iyo isku dal ah. Maanta Xukuumada Siilaanyo waxaa looga fadhiyaa in ay muskeeda iyo miscirirteeda, ka qocondho iyo qodaxba tirto khushi-talaabsiga iyo awooda dawladnimo ee la isu adeegsanaayo ee hantii maguuraanka aheyd ee ummadda lagu boobaayo ee sheerarka lagu gelaayo,Waxaa looga fadhiyaa in ay caadka iyo ciiradaba ka qaado gooni-isutaaga JSL, waxaa looga fadhiyaa in ay dhaxal wareejinta hantida maguuraanka ah ee ummada ka deyso, waxaa looga fadhiyaa dawlad- wadaag ku fadhida talo wadaag ku saleysan dhaxalkii awowyaasheen oo ay horseed iyo hormuudba ka yihiin hawlwadeeno ah mideeye-yaal, jideeye-yaal iyo Jiheeye-yaal shacabka Somaliland ee tafaraaruqay ku haga tobiyaha toosan, horumar iyo himilooyinkii lagu taamaayey ee la higsanaayey mudada dheer! Waana iyaga iyo Allahood.
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi- Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.