|

Markaad aragto Muuqaalka Rasmiga ah ee Tahriibka Waad ka Quusan doontaa Nolosha Hadii aad ka Mid tahay Kuwa Tahriibaya DAAWO

Libiya 22.March 2015 (SDN/QJ)- Wadanka Liibiya ayaa waxaa ka Jira Qalalaase Siyaasadeed oo Colaado ku dhisan,ma Jirto Nabadgalyo Taam ah Meel walba waxaa ka taliya qabqable dagaal.

Sidaas oo ay tahay Waxaa dalkaas sii mara Muhaajiriin badan oo ka Talaabaya bada Mediterranean si ay u beegsadaan Qaarada Yurub iyagoo sii maraya Dalka Liibiya Waxay sii raacaan Laashash aad u yar oo hadana ay ku fuulayaan dad tiro badan .

Waxaanu Muuqaaladan ka soo Xiganay Shabakada Caalamiga ah ee VICE News oo baadhis dheer ku samaysay dhacdooyinka ay la Kulmaan Muhaajiriintu

Ciidanka Liibiya Waxay Xadideen baadigoobka iyo Samato bixinta Tahriibayaasha Sababo la Xidhiidha Khayraadka ay u baahan yihiin oo ka dhiman iyo sidii ay ula Tartami lahaayeen Budhcada oo ah Khatar ay ka baqo qabaan.

Kuwa la soo badbaadiyo Waxaa la keenaa xarumaha dadka lagu hayo , halkaas oo ay ku wajahayaan xaalado aad u xun oo lagu khasbo in ay sii waqti dheer  ku Jiraan . Mararka qaarkood , muhaajiriinta waxay Gacanta u galaan Kooxo Jabhado ah.

Comments are closed