Jarmalka oo Xidh Xidhay Lix Ruux oo Looga shakisan yahay inay Xidhiidh la leeyihiin Alshabaab
Munich:Mar,22,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Dalka Jarmalka, ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay Lix qof oo looga shakiyey inay xidhiidh hoose la lahaayeen Kooxda Al-shabaab.
Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Jarmalka ayaa sheegay in lixda ruux ee gacanta lagu dhigay shan ka mid ah dalka Soomaaliya ay tababar ku soo qaateen sanadkii 2012-ka.
Lixdan nin ayaa laga kala qabtay meelo kala duwan, waxaana iminka bilaabanaysa dacwada loo haysto raggan, taasi oo ku saabsan arimo argagixiso, maadaama eedeyntooda ay tahay gacan saarka Shabaab.
Saddex kamid ah raggaasi ayaa lagu qabtay Bishii September ee sanadkii hore garoonka Farankfort,laba kamid ah waxa laga qabtay dalka Kenya dib ayaana loogu celiyay wadankooda.
Dacwad oogayaasha kiiskan, ayaa sheegay in raggaasi ay doonayeen inay weeraro argagixiso inay ka geystaan dalka Jarmalka, balse Laamaha ammaanka dalkaasi ay ka hortageen oo ay heleen xogta xubnahaasi.
Dad badan oo u dhashay wadamada reer Galbeedka ayaa ku biiray Kooxda Shabaab iyo sidoo kale Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Ciraaq iyo Syria.