|

“Annagu hadda Dawlad ma metelno laakiin, shacabka ayaanu Metelnaa” Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan DAAWO

Hargaysa 22 March 2015 (SDN/QJ)-  Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, kana soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay Dawladda Somaliland ku metelin xilka ay iyada iyo Xildhibaanada kale ee Somaliland ka soo jeedaa Somalia ka hayaan.
Foosiya oo lagu waraystay Barnaamijka Dareenka Shacabka ee HCTV, ayaa la waydiiyay inay Xildhibaanada ama Siyaasiyiinta Gobolada Somaliland ka soo jeeda ee Xamar joogaa u doodaan ama difaacaan Xuquuqda Somalilad, sida kuwa dhigooda ah ee Gobolada kale ee Somalia sameeyaan, waxaanay ku jawaabtay:-
“Haa..Xildhibaanadu xaq bay u leeyihiin, wayna ka hadlaan markay rabaan arrimaha waqooyi, haseyeeshee Dawladda Somaliland baan Ogolayn-ba inay metelaan…Annagu hadda Dawlad ma metelno laakiin, shacabka ayaanu Metelnaa, waxaanuna Baarlamaanka ku joognaa Qabaa’ilkii Waqooyiga, sidaas darteed wixii dan ah ee soo gala waanu difaacaynaa..markaas haa xaq baa loo leeyahay wixii waajib ah ee nala soo kulma inaanu difaacno”

Comments are closed