|

Hargaysa oo ay ku soo badanayaan Garoomada Goglan iyo Xiisaha dhallinyarta oo Kordhay DAAWO

Hargaysa 22 March 2015 (SDN/QJ)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xuseen Axmed, ayaa furay Garoon cusub oo casri ah oo kuwa Kubadda Cagta loo diyaariyey in lagu ciyaaro ah, isla markaana laga hirgeliyey magaalada Hargeysa, waxaanu Agaasimuhu Baaq u diray Ganacsatada kala duwan ee reer Somaliland.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ciyaaruhu, waxa uu u soo jeediyey Ganacsatada inay maal-geliyaan oo ay abuuraan Kooxo isugu jira heerka koowaad, labaad iyo saddexaad ee Kubbadda Cagta, Wasaaradduna ay Ciyaaraha u qaban doonto, dhalinyaradana ay faa’iido u leedahay.

Warbixinta Warkan oo dhammaystiran waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed