Ninka Labaad ee Dunnida ugu Dheer oo Hargaysa Meherkiisu ka Dhacay Iyo Malxiiskiisa oo Noqday Kii ugu Gaabnaa DAAWO
Hargaysa 21 March 2015 (SDN/QJ)- Xuseen Maxamed Axmed ( Xuseen Bisad ) oo Maanta Xafladda Farxadda meherkiisu Ka dhacay Hotel Crown ee Magaaladda Hargeysa ayaa Dadweynaha Caasimadda oo aad u xiisanaynayay dhacdani Waxay Goobta Kula Kulmeen mid kale oo kasii xiiso badan arintii la filayay .
Xuseen Maxamed Axmed iyo Marwadiisa Cusub ee Yasmiin Xasan Muxumed Waxaa Xafladda Meherkooda Xuseen Bisad Marxiil u ahaa Shucayb Gaab oo ah ninka ugu gaaban guud ahaan somaliland , kasoo kow meherka iyo farxadda lamaanahani muslimka ah ee kusoo biiray qoysaska islaamka waxay dadku sidoo kale u hambalyaynayeen saaxiibtimida labadani nin ee wada sheekaysigoodu dhibta ku yahay midba ka kale.
Bahda Qurbejoognews.com iyagoo isku Duuban Waxay Hambalyo iyo Bogaadin u Dirayaan Meherka Xuseen Maxamed Axmed (Xuseen Bisad ) iyo Yaasmiin Xasan Muxumed illaahay ha ka dhigo reerkii nagu nastee lagu negaado wadajiroo Nabadgala .