Qorshaha Ka Bixidda Soomaaliya ee Ciidamada Itoobiya iyo Dareenka Raysal Wasaare Haila Maryam Deselegn
Addis ababa, 21 March 2015 SDN/QJ)- Ra’iisalwasaaraha Itoobiya Haila Maryam Deselegn ayaa sheegay, in dawladdiisu kala soo bixi doonto ciiddamadeeda dalka Soomaaliya marka maamulka Soomaaliya uu hanto amaanka dalkaa, isla markaana wuxuu xusay muhimada ciidankiisu u leeyahay waqtigan nabad ilaalinta amaanka.
Raysal Wasaare Haila Maryam waraysi uu siiyay telefishanka CCTV wuxuu ku sheegay, in haatan awoodda Alshabaab ay daciiftay oo aanay lahayn karti ka wayn weeraro gaadmo ah, ku dhufoo ka dhaqaaq iyo qaraxyo ay sameeyaan. “Haddii dawladda soomaaliya awood u yeelato sugidda amniga dalkeeda, waa ka baxaynaa.” ayuu yidhi Raysal wasaaruhu.
Wuxuu intaa ku daray oo uu soo dhaweeyay, in soomaaliya ay doorasho xor ahi ka dhacdo sanadka soo socda, isla markaana wuxuu sheegay, in dhismaha maamul goboleedyadu qayb wayn ka qaadanayaan sugida amaanka, taa darteedna wuxuu carabka ku dhuftay in dawladiisu taageera buuxda siinayso maamul goboleedyada. “Beesha caalamka waxaan ugu baaqayaa inay taageeraan nabada iyo horumarka soomaaliya.” ayuu yidhi.
Ciidamadda dalka Itoobiya ayaa qayb ka ah ciidamadda la tacaalaya sugidda amaanka dalka soomaaliya, isla markaana u dhaqdhaqaaqa sidii ay maamulka dalkaa uga caawin lahaayeen suulinta xarakadda Alshabaab .