|

Buuq Ka Dashay Meydadka 5-Carruur ah Oo Talaagado Lagu Dhex Qariyey Oo Dalka Faransiiska Laga Dhex Helay

Bordeaux:Mar,21,2015(SDN/QJ)-Dalka Faransiiska, waxa ka taagan buuq iyo sawaxn ka dhashay Meydadka shan carruur ah oo laga helay Qaboojiyayaal lagu dhexqariyey.

plorBooliska Dalkaasi waxa ay  Aqal ku yaalla  magaalada Louchats oo u dhaw Bordeaux ka heleen Meydadka ubadkaas yaryar oo la qariyey, waxana shacabka dhexdiisa haatan ka taagan shaki farobadan.

Guriga meydadka laga helay ayaa ninka leh la sheegay inuu Booliiska u yeedhay kadib markii uu Talaagada (Firinjeerka) ka dhex helay meyd ilmo markaas dhashay.

Booliiska ayaa markii ay goobta tageen waxay baadhitaan ku sameeyeen guriga oo dhan waxayna goob kale ka helaan qaboojiye kale meydadka afar cunug oo kale.

Xaaska ninka guriga leh ayaa la xidhay isla markaana loo dhigay cisbitaalka dadka waalan maadaama la sheegay inay iyadu caruurteeda qaboojiyayaasha gelisay iyadoo ninkeeda ka qarisay inay uurlahayd, sida ay booliiska sheegeen.

Meydadka caruurtan ayaa baadhitaan lagu sameenayaa si loo ogaado in iyagoo meyd ah dhasheen ama in la dilay kadib markii ay dhasheen.

Qoyskan ayaa hore u lahaa laba ciyaal ah oo kala ah 13 sano jir iyo 15 sano jir.

Arrintan ayaa gebi ahaanba dalka Faransiiska ka dhalisay Buuq dhadweynaha dhexdooda ah, waxana sheekadeeda lagu hayaa goobaha shacabku ku kulmaan oo dhan.

 

 

SDN/QJ

Timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

 

Comments are closed