Magaca Nin Basaanimo Lagu Eedeeyey Oo Shabaabku Ku Toogteen Gobolka Galgaduud
Galhareeri:Mar,21,2015(SDN/QJ)-Mintidiinta Al-shabaab, ayaa, goob fagaare ah ku toogtay shalay Galabtii nin ay ku sheegeen inuu Arrimo basaasnimo ah ku waday dhexdooda.
Ninkan, ayaa lagu toogtay Deegaanka Galhareeri ee Gobolka Galgaduud, waxana goobtii lagu tooganayey iskugu soo baxay dadweyne aad u tiro badan.
Ninkaasi oo lagu magacaabi jiray Cali Salaad Majin, ayay Shabaabku ku eedeeyen inuu wada shaqayn la lahaa Ciidanka Itoobiya, ee degan Magaalada Ceelbuur, qaybtana ka ah Xoogaga Midowga Afrika ee Amisom.
Gaadiid lagu soo xidhay cod baahiye-yaal, ayaa dadka ugu yeedhay inay isugu soo baxaan Fagaaraha Galhareeri, oo ay sheegeen in xukun qisaas ah uu ka dhici doono.
Qaadiga Maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud, ayaa sheegay Cali Salaad Majin oo 20 sano jir ahaa, in uu ka shaqayn jiray dhibaateynta ummada Muslimiinta ah, sida uu sheegay.
Qaadiga waxa kaloo uu sheegay in ninkaasi uu macluumaad Shabaabka ku saabsan uu u gudbiyay Ciidanka Itoobiya ee Ceelbuur ku sugan.
Waxa uu intaa ku daray in Majin uu qirtay dembiga lagu soo qabtay sida uu xusay, isla-markaana ay Maxkamadda Shabaabku ku xukuntay xukun dil ah.
Shabaabka, ayaa dadka reer Galgaduud uga digay inay la shaqeeyan Ciidanka Itoobiya, haddii kalana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com