Uganda Oo Midowga Afrika Ka Dalbatay In Mag-dhaw La Siiyo Ehellada Askar Kaga Dhimatay Gudaha Somalia Ku Dhimatay
Kampala:Mar,20,2015(SDN/QJ)-Saraakiisha ugu sarraysa Ciidamada waddanka Uganda, ayaa Midowga Afrika ka dalbaday inay Lacago magdhaw ah siiyaan Ehellada askar ku geeriyootay Dagaalka ciidamad Uganda kaga jiraan Gudaha waddanka Somalia.
Lacagta loo doonayo magdhow ahaanta ayaa waxaa ay gaadheysaa ilaa iyo 125 Million oo Shillin ahna lacagta Dalka Uganda taasi oo la siinayo Askari kasta oo ku dhintay intii uu ku jiray Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM islamarkaana lagula Dagaalamayo Ururka Al Shabaab.
Sidoo kale, waxaa jirta lacag iyana tiro ahaan ku dhow 100 Million oo Shillin looguna talagalay in la siiyo Askari kasta oo ka mid ah Ciidamada Dowladda Uganda kuna dhaawacmay Howlaglka AMISOM ee ka socda Soomaaliya.
Edward Katumba Wamala, oo ah Madaxa Ciidamada Dowladda Uganda ayaa tilmaamay in Midowga Africa ay u sheegeen in laga sugayo Magdhowga lacageed oo la siin doono Askarta ku dhimatay ama ku dhaawacntay howlgalka AMISOM Ehelkooda.
Ugu dambeyn, Dowladda Uganda ayaa ah Dalkii ugu horeeyay ee Ciidamadiisa u soo dira Soomaaliya si ay ula Dagaalamaan Ururka Al Shabaab oo diidan jiritaanka Dowladda Soomaaliya iyadoona Ciidamada Uganda lagu qiiyaasay ilaa iyo 4,400 in ay joogaan gudaha Soomaaliya kana mid ah Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM ee lagu cidhibtirayo Ururka Al Shabaab.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com