|

Madashii Shalay ee Kulmiye, Ismuujintii Kudladda Cusub ee Madaxtooyada Majaraha u Haysa Iyo Maqnaanta Kooxdii Awooddeeda La Rifay

Hargeysa:Mar,13,2015(SDN/QJ)-Shalay Madashii Xukuumadda iyo Xisbiygeeda Kulmiye ku qabsadeen Hutel Mansor, ayaa dibadda keentay KHilaafka Ba’an ee Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo labada garab u kala qaybiyey, waxana laga dheehanayey kala socodka iyo kala jabka Xubnaha ku Loollamaya Awoodda Dalka.

kuurKadib markii dhawaan Caydhintii Wasiir Samaale soo shaac baxday, ayaa waxa Laga warhelay inuu jiro isxulafaysi ka dhexjira Xubnaha inta Badan awoodda Madaxtooyada Majaraha u haya, kuwaas oo markii dambe ahaan jirey Koox ay Wasiir Samaale iyo Xirsi Caynaanka u hayn jireyeen, balse haatan ay Kudlad kale meeshii kala baxday.

Kudladda Cusub ee Kooxdaas hore beddeshay oo haatan Si heersare ah ugu dhex booteeya Madaxtooyada, ayaa shalayna si meeqaam sare ah ka dhex botorinayey Munaasibaddii Madaxtooyada iyo Xisbiga Kulmiye Wateen, waxana meesha ka maqnaa Gebi ahaanba Kudladii Samaale iyo Xirsi Hoggaanka u hayn jireen.

Kooxda Cusub ee Haatan awaamiirtooda madaxtooyada laga qaddariyo, ayaa waxa  kamid ah Wasiirradda Wasaaradaha, Duulista Hawada, Macdanta, Waxbarashada, Wiilka Madaxweyne Siilaanyo Soddogga u yahay ee Baashe Cawil, Xildhibaan Cali Marreexaan iyo Xubno kale oo haatan hareeraha ka fadhiya Kursiga Madaxtooyada ee Lagu ambo qaado Go’aamada waddanka lagu hoggaamiyo.

Xubnahan ayaa intooda Haatan dalka joogaa  Xafladaas ku sugnaayeen, waxana gebi ahaanba Meesha ka maqnaa Kooxdii hore booskooda u fadhiyi jirtey oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii hore ee  Maaliyadda Mudane Samaale, Wasiir Xirsi, Cabdi Aw Daahir, Maxamed Biixi, Cabdirisaaq Khaliif iyo Xubno kale oo Haatan Gabalkoodu dhacay.

Loolllanka labada kooxood ayaa haatan u muuqda mid gabaabsiyey, waxana Haatan Goobka ku doobyaya Kudladda uu Cali Marreexaan Hoggaamiyo oo shalay Aqlabiyadoodu munaasibadaas kusugnaa.

Isgarabsigan ayaa haatan u janjeedha Dhinaca xubnaha Wasiirrada ee Beesha madaxweyne Siilaanyo kasoo jeeda, waxana ay Garab muuqada ka helaan Marwada Madaxweynaha oo raalli ka ah iyaga, isla-markaana si cad uga soo horjeedda Kooxdii hore ee saaxiibka loo ahaa.

Sidoo kale kooxdan cusub ee Haatan awoodda Madaxtooyada yeelatay, ayaa si weyn saaxiib ula ah Kornaylada Xisbiga Kulmiye oo muddo dheer Go’doon ku jirey, waxana imika la muujiyey Baahida Loo qabo Hoggaanka Kulmiye oo colaad dheeri madaxtooyada iyo Kooxda Haatan laga awood roonaadayba muddo soo dhex taallay.

Si kastaba ha ahaatee  iskooxaysiga Madaxtooayda ka dhex jira ayaa ah mid xukuumadda Kulmiye Caan kusoo ahayd muddo dheer, waxase haatan cusub in koox cusub oo aan sidaas  loogu aqoonini ay haatan si buuxda majaraha ugu qabato Awooddii ay hore ugu naaloon jireeen Kooxda Wasiir Xirsi hoggaamiyaa.

Xubnaha ay kamid ka yihiin wasiir xirsi, ayaa   haatan loo arkaa Cadawga kaliya ee madaxtooyadu leedahay, waxana lagu foogan yahay sidii meesha looga saari lahaa, amaba madaxooda haatan oo ah Wasiir Xirsi meesha looga saari lahaa, si inta kalena isu soo dhiibaan.

Madaxweynaha, ayaa la hubaa inaanu isagu Kooxna taageersanayn, balse talada Baahday, ayaa keentay in kooxo  dano gaar ah isku hayaa ku loollamaan Awooddii shacabku ku aamineen Madaxweynahooda.

 

 

SDN/QJ

timo@qurejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed