|

“Waxaan doonaynaa inaan u ogolaano shirkadda gaarka loo leeyahay soo saarista tamarta korontada, si loo gaadho isku-filaansho koronto,” Wasiirka Tamarta Jabuuti

Jabuuti 13 March, 2015 (SDN/QJ)- Xukuumada Jabuuti ayaa meelmarisay go’aan fasaxaya in muwaadiniinta dalkaasi iibin karaan Tamarta korontada guud ahaan dalka, in awoodda Qaybinta iyo Maamulka Korontada ay yeelan doonto Wakaaladda Korontada ee Jabuuti.

djiboutiWasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Jabuuti Cali Yacquub Maxamuud, ayaa sheegay in xukuumaddoodu meelmarisay go’aan u ogolaanaya muwaadiniintooda inay iibiyaan Tamarta Korontada, iyaga oo ka faa’idaysanaya Tamarta laga dhaliyo Qorraxda, Dabaysha iyo Biyaha.

“Waxaan doonaynaa inaan u ogolaano shirkadda gaarka loo leeyahay soo saarista tamarta korontada, si loo gaadho isku-filaansho koronto,” sidaa waxa yidhi Cali Yacquub oo u warramay AFP.

Wasiirka Tamarta Jabuuti ayaa sheegay in ka faa’iidaysiga Korontada laga dhaliyo tamarta Qorraxda, dabaysha iyo biyahu muhiim yihiin, lagana dhalin karo tamar gaadhaysa 1,000 MW.

Dalka Jabuuti oo xilligan guud ahaan isticmaalkiisa tamarta la casriyeeyey gaadhaysaa boqolkiiba 50, ayaa qorshaynaya sidii ay u noqon lahaayeen dalkii ugu horeeyey guud ahaan adeegsiga Tamarta dabaysha, Qorraxda iyo biyaha oo ay isticmaalkiisa 100% sannadka 2020-ka.

Comments are closed