|

Madal Kulmisay Hal-doorka Maamulka Laamaha Dawladda iyo Masuuliyiin oo Xilka kula kala wareegeen Taliyihii hore iyo Taliyaha Cusub ee Xeebaha

Berbera, 13 March, 2015 (SDN/QJ)- Wasiirrada Wasaaradaha Ganacsiga, Kalluumaysiga, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Maamulka gobolka Saaxil, ka degmada Berbera, Maamulka Dekedda, Saraakiil ka socday Hay’ado caalami ah iyo Saraakiil Ciidammada Somaliland ka tirsan, ayaa ka qaybgalay Munaasibad ay xilka kula kala wareegeen Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Xeebaha iyo Taliyaha dhawaan Madaxweynuhu u magacaabay ilaalada Xeebaha oo shalay lagu qabtay Xarunta Taliska Ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland ee magaalada Berbera.

1ATaliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Xeebaha Admiral Axmed Cismaan, ayaa halkaas ka hadlay, kana warramay marxaladaha kala duwan ee ay soo mareen Ciidanku intii uu xilka hayey, waxaanu yidhi; “Aad baan ugu faraxsanahay in Ciidankaa horumarka ballaadhan sameeyey ee laga soo sheekeeyey aan ku wareejiyo Saaxiibkay Genaral Maxamed Xuseen Faarax Xiirane oo aannu Saaxiib gaarana nahay, Baddana immika baran doona, oo Badda waxa lagu bartaa Biyeheeda dhanaan baa la kabbadaa, markaa maanta dhanaanka ayuu kabban doonaa, waxaanan leeyahay oo aan ugu bushaaraynayaa Xininyo kuwa kugu jira maaha ee waa kuwa lagula garab-taagan yahay, haddii lagu yidhaahdo; ‘Boolis buu ahaan jiray, immikana Asluubtuu ahaan jiray ….’ Waxaa kuu jooga Saraakiil carbisan oo ku garab-taagan oo shaqaynaya oo Garbahaaga aad ku duuli doonto ah.”

Sidoo kale, Taliyaha Xilka la wareegay General Maxamed Xuseen Faarax Xiirane, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay in Derajada Ciidammada la siiyey laba sano ka hor ay soo kordhisay haybad iyo kala dambayn dhinac walba ah, Ciidammo ahaanna ay si weyn ugu farxeen. Waxa uu Taliye Xiirane ka hadlay xilka uu la wareegay iyo sida uu u wadi doono, waxaanu yidhi; “Waxaan leeyahay Ciidanka Badda aad baan idiin soo dhawaynayaa, Gacantiinnaan u baahnahay, Fikirkiinnaan u baahnahay, ma ihi nin kelidii-taliye ah, haddaan Kelidii-taliye ahay halkan la ima keeneen. Boolis bay shaqadaydu ahayd, Dembi-baadhe iyo Dablaan ka bilaabay, wax badan baan ogahaye Gaabnaantayda ha arkina.”

“Laakiin, waxaan idin leeyahay mar walba waan u baahanay gacantiinna, nin xoog wax ku goosanayana ma ihi, Saaxiib waxaan la ahay ninkii shaqeeya, colna waxaan la ahay ka khaayinka ah. Caddaalad baan idinku wadayaa, dadku waa ii siman yahay, Somaliland-na maanta way dhaqaaqday ee maaha xilligii ay afarta Xaafadood ahayd ee Nin weliba ha aammino shaqadiisa, ha aammino ragannimadiisa, ha aammino dalkiisa. Saaxiib waxaan.” sidaa ayuu yidhi Taliye Xiirane.

Guddoomiye Ku-xigeenka gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdillaahi, ayaa isaguna Munaasibaddaa xil-wareejinta ahayd ka hadlay, waxaanu soo dhaweeyey Taliyaha cusub ee ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu yidhi; “Farxad wayn baa nooga muuqata, taasoo ah indhuhu waxay arkaan waa wax qaali ah. Halkan waxa nooga muuqda haykalkii dawladnimo oo aad mooddo dawlad boqol sano jirtay oo kale.”

Maayerka Magaalada Berbera ahan Guddoomiyaha Golaha Deegaanka ee magaaladaas Cabdishakuur Maxamuud Xasan (C/Shakuur-Cidin), ayaa duco ku sagootiyey Taliyihii hore, Taliyaha cusub-na soo dhaweeyey. “Taliskii hore aad iyo aad bay ugu ammaanan yihiin, taariikhduna way qori doontaa, waxay ummadda gashadeenna way muuqataa, halkay tagaanna ILLAAHAY waxaannu uga baryeynaa inay sii horumariyaan. Waxaannu aad u soo dhawaynaynaa Maamulka cusub ee Ciidanka Badda oo ku suntan horumar oo aynu wada ognahay wax qabadka uu hore u soo qabtay, immikana aannu rejaynayno inuu sii dardar-geliyo hawsha iyo shaqada Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Duqa Berbera.

Maareeyaha Dekedda caalamiga ah ee Berbera Eng. Cali Cumar Maxamed (Xoor-xoor), ayaa sheegay inay aamminaad fiican leeyihiin Ciidammada Badda iyo Booliska kala shaqeeya Dekedda, waxaanu yidhi; “Waa Rag badan, Rag badanina wax walba wuu lahaan jiray. Laakiin, Ciidanka ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Booliska ee Dekedda nagala shaqeeyaa, waxa weeyaan ‘Hebel waa aammin’ wax ka sarreeya oo qof lagu yidhaa ma jiro, Raggaasi sidaas bay aammin u yihiin, waanan ku ammaanayaa, Taliyaha cusub-na waan soo dhawaynaynaa.”

Sidoo kale, Maareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka Somaliland ee magaalada Berbera Sheekh Saleebaan Siciid Aw Cali, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu yidhi; “Farax badan iyo Guul badan bay innoo tahay Sharafka Ciidanka ee halkan ka muuqda, hadday tahay Derajadooda, hadday tahay korodhka Tiradooda. Ciidammada Badda xidhiidh wanaagsan iyo wada shaqayn fiican baannu leenahay, waxaanan rejaynayaa in xidhiidhkaa iyo wada shaqayntu sii wanaagsanaadaan, waxaan u mahad-celinaynaa Taliyaha Xilka wareejiyey, waxaanan soo dhawaynaynaa Taliyaha cusub ee xilka la wareegay.”

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland Dr. Muuse Qaasim, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda, Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha, Wasiiru-dawlaha Maaliyadda iyo Masuuliyiin kale, ayaa iyaguna halkaas ka hadlay, isla markaana waxay u mahad-naqeen Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Xeebaha Axmed Cismaan oo ay sheegeen inuu meel aad loogu farxo soo gaadhsiiyo Ciidanka, waxaanay u duceeyeen Taliyaha cusub Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane) oo ay ALLAAH uga baryeen inuu ku asturo xilka uu la wareegay, isla markaana ku dedaalo ilaalinta Khayraadka dalka iyo dadka Somaliland ee dhulka Xeebaha iyo Biyaha Badda ku duugan.

Gebo-gabadii, waxa halkaas xilka kulak ala wareegay Taliyihii hore iyo Taliyaha cusub ee Ciidanka ilaalada Xeebaha dalka. Sidoo kale, Ciidammada Badda iyo Difaaca Xeebaha Somaliland dhoolla-tus ku sameeyeen Badda dhexdeeda, iyagoo wata Laashashka dheereeya ee ay Ciidammadu kaga hawlgalaan Badda dheer ee Somaliland.

Comments are closed