Xogo dheeraad ah oo ka soo baxay Qarax ka dhacay Magaalada Baydhaba iyo Tirada Dhimashada
Muqdisho 12,March (SDN/QJ):- Ugu yaraan 10-qof oo isugu jira ciidamada Soomaaliay, kuwa Itoobiya, iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday weerar culus oo ismiidaamin ahaa oo ay Al-shabaab ku qaadeen xarunta madaxtooyada Baydhabo oo uu xilligaas ku sugnaa Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Wasiirka Amniga maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed, C/fataax Ibraahim Geesey ayaa sheegay in saddex nin oo hubeysan oo dharka ciidamada dowladda Soomaaliyaa ku labisnaa ay soo weerareen, laakiinse ciidamada amniga ay ku guuleysteen inay dilaan.
“Maanta abaarihii 10:00 barqanimo xubno ka tirsan nabadiidka ayaa waxay weerar ku soo qaadeen agagaarka madaxtooyada, muddo kooban kaddibna waxaa lagu guuleystay in la dilo saddexdoodiiba,” ayuu yidhi C/fataax Geesey oo la hadlay BBC-da.
Md. Geeseey waxa uu intaa ku daray in weerarkaas ay ku dhinteen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada ilaalada xarunta madaxtooyada oo xilligaas howshooda waday.
Waxaanu warku sheegayaa in qaraxan ismiidaaminta ah in ciidamada Itoobiya lagaga dilay dagaalka laba askari, halka ciidamada dowladdana ay ka dhinteen saddex Askari oo lagu dilay qarax.
Wararku waxay intaa ku darayaan in gaadhiga uu ku qarxay ciidammo ka tirsan kuwa Milateriga Soomaaliya oo madaxtooyada ku waajahnaa.
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan inay ku dileen saraakiil iyo Askar ka tirsan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo soo gurmaday markii weerarka uu billowday.