Wasaarada Caafimaadka oo Digniin adag u dirtay Shirkada Isgaadhsiinta Telesom
Hargeysa 28.Feb 2015 (SDN/QJ):- Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa markii labaad Digniin u dirtay Shirkadda Isgaadhsiinta Telesom oo diidday ku dhaqanka Wareegto dhaqan-gashay oo Wasiirka Wasaaraddaas Dr. Saleebaan Ciise Axmed soo saaray bilawgii bishan aynu ku jirno, isla markaana dhaqan-gashay sagaalkii bishan Febraayo, taasoo lagu mabnuucayey Baahinta Xayaysiisyada iyo Ogeysiisyada Caafimaad ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka, balse ay Shirkadda Telesom ku dhaqankeeda dhegaha ka furaysatay.
War-Saxaafadeed Caawa ka soo baxay Xarunta Wasaaradda Caafimaadka ee magaalada Hargeysa, isla markaana uu ku saxeexnaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame, oo Nuqul ka mid ahi Soo gaadhay Xafiiska Warbaahinta Toosh ee isla Hargeysa. Waxaanu mar labaad ugu digay Agaasimuhu in loo hoggaansamo Sharciga iyo Shuruucda dalka u taalla, lana tix-geliyo oo lagu dhaqmo Wareegtada Wasaaradda Caafimaadka ka soo baxday oo sharciyawday 9-kii bishan labaad sannadka 2015-ka.
Qoraalka War-Saxaafadeedka Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku soo saaray iyo Lifaaqa Farriimaha aan Wasaaradda soo marin ee ay Shirkadda TELESOM sida ula-kaca ah u baahisay-ba, waxa uu u dhignaa sidatan:-
“Ku:- SHIRKADDA TELLESOM
Og:- Ururka Suxufiyiinta Somaliland
Og:- Wasiirka wasaaradda boosaha iyo Isgaadhsiinta
Og:- Wasiirka wasaaradda war-faafinta iyo hidihiyo dhaqanka
Og:- Xeer-illaaliyaha Guud ee Qaranka J/Somaliland
Og:- Wasiirka wasaaradda caafimaadka
Ujeedo:- Digniin:-
Tixraac Warqada Sumaddeedu ahayd 38/ 1../2015, , oo ku taariikhaysnayd 4/2/2015, , kuna saabsanayd Wareegto lagu mabnuucay Xayeysiiyada iyo Farriimaha ku taxa-luqa Caafimaadka ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka in lagu baahiyo dhammaan War-baahinta iyo Shirkadaha Isgaadhsiinta, kana soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka, taasoo dhaqan galaysay 9/2/2015.
Annagoo ka duulayna Siyaasadda u dejisan Wasaaradda Caafimaadka ee ka xakameynta Caafimaadka aan-dheelliga tirnayn bulshada iyo in la hubiyo wax-tarka heerka tayda adeegyada caafimaadka ee gaarka loo leeyahay, lana gaadhsiiyo Xog-caafimaad oo hufan, lagana hor-tago oo la yareeyo khatartaha Caafimaadka Bulshada iyo deegaanka-ba, isla markaana kor loo qaado hab-nololeedka Caafimaadka Bulshada Somaliland.
Sidaa daraaddeed, waxaannu mar labaad idinku war-gelinaynaa in Wareegtadii aannu ku mabnuucnay sii daynta Xayaysiiska iyo Farriimaha ku taxa-luqa Caafimaadka ee aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka lagana baahiyo War-baahinta, Shirkadaha Isgaadhsiinta iyo Madbacadaha inaad u hoggaansataan fulinta Wareegtadaas, waxaanan idinka rejeynayaa inaad ilaalin doontaan nidaamka iyo shuruucda u dejisan Wasaaradda Caafimaadka.”
Agaasimaha guud oo Qoraalkiisa sii watay, waxa uu halkan ku soo lifaaqay Ogeysiisyada iyo Farriimaha aan sharciga ahayn, isla markaana aan soo marin Wasaaradda Caafimaadka Somaliland ee ay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM sida badheedhka, ula-kaca iyo iska indha-tirka Sharciga, Shuruucda iyo Wareegtada Wasiirka isu dhaafisay, dhegahana ka furaysatay ku dhaqanka Wareegtadaas dhaqan gashay sagaalkii bishan aynu ku jirno ee Febraury 2015.
Waxaanu Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cismaan Xuseen Warsame soo bandhigay Farriimaha iyo ogeysiisyada Caafimaad ee ay Shirkadda TELESOM oo Digniin hore la siiyey baahisay intii ka dambaysay muddadii ay Wareegtadani soo baxday ee ay dhaqan-gashay ka dib, iyadoo TELESOM u muuqata mid si cad u diiddan ku dhaqanka Sharciga cusub ee Wasaaradda Caafimaadka. Lifaaqaa Farrimaha ee uu soo saaray Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadku waxay u dhignaayeen sidan:-
“2. Farriimahii Shirkadda Telesom baahisay:-
- Tixraac bisha 10/02/2015 saacadu markay ahayd 2:33PM waxay baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-
waxa lagu wargalinayaa dhamaan dadweynaha ku nool gobolka Sool iyo Nawaaxigiisa in 12/02/2015 uu xarunta caafimaadka ee Laascaanood Medical Center ka hawlgalayo Dr. C/risaaq oo ah khabiir ku takhakhusay Neerfaha iyo Xanuunada madaxa ku dhaca sida. Qalalka, jugaha, Waalida, Buufiska IWM, Cisbitaalku wuxuu ku yaallaa agagaarrka Goolada una dhaw Amal Express, is diiwaangelintu way socotaa. wixii faahfaahin ah kala xidhiidh tell: 0634923095/0634898900.
- Tixraac bisha 11/02/2015 saacadu markay ahayd 6:12PM waxay mar-labaad baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-
Manhal Hospital Burco waxa imanaya 16/02/2015 (Isniinta) Dhakhtarkii Ruushka ee Dr. nuureyn oo ku takhakhusay Daaweynta iyo Qaliinka Xanuunada ku dhaca lafaha, Is diiwaan galintuna way socotaa, kala xidhiidh tell: 715764.
- Tixraac bisha 11/02/2015 saacadu markay ahayd 5:46PM waxay mar saddexaad baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-
Nairobi Pharmacy Burco, waxa lagugu soo kordhiyey xarun lagu xanaaneeyo dadka dhimirka wax ka qaba, iyadoo laguu diyaariyey Jiifkii, Cuntadii iyo Dhakhtarkii dhimirka, wixii faah-faahin ah kala xidhiidh tell:712255/0634896633.
- Tixraac bisha 15/02/2015 saacadu markay ahayd 9:50PM waxay mar Afaraad baahisay Ogaysiis aan soo marin wasaarada caafimaadka oo dhignaa sidan:-
Bilaal Pharmacy Burco, waxa shaqada ka bilaabaya 18/02/2015 (Arbacada) Dr. Maxamed Cusmaan oo ka imanaya Dirir-Dhaba (Ethopia) kuna takhakhusay xanuunada Neerfaha, Faaliga, Jilbaha, Dhiig-karka, Macaanka, Jidh-xanuunka, Gastriga, iyo Cudurada Guud, is qoristuna way socotaa fadlan kala xidhiidh tell:711259/0634473093.
- Tixraac bisha 24/02/2015 saacadu markay ahayd 7:32PM waxay baahiyeen fariin aan soo marin wasaaradda caafimaadka.
Ogaysii:- waxa la Ogaysiinayaa dhamaan bulshadda ku dhaqan buuhoodle iyo nawaaxidkiis in Buhodle Health Center ay diyaar idiinku yihiin Dhakhtaradda 1. Dr. Cabdi Samad Daahir oo qaabilsan Xanuunadda Ilkaha iyo daaweyntooda 2. Dr. Qudus oo qaabilsan shaybaadhka kuna shaqeynaya mashiino casri ah 3. Dr. Mustafe X. Maxamud Hoori oo qaabilsan cuduradda guud , caruurta , haweenka iyo qaliinkooda kuna shaqeynaya computer casri ah & Raajo, la soo xidhiidh tell : 0634498822/0634146.”
Sidaa ayaa lagu yidhi Warkan Qoraalka ah ee soo gaadhay Warbaahinta Aftahannews.com ee Caawa ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku saxeexnaa Agaasimaha guud ee Wasaaraddaas Dr. Cismaan Xuseen Warsame.
Hase-yeeshee, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Shirkadda Isgaadhsiinta ee TELESOM oo ku saabsan sababta ay ugu dhaqmi wayday ee ay dhegaha uga furaysteen Wareegtada Wasiirka Caafimaadku soo saaray, isla markaana ma jirto wax ay ku beddeleen digniin hore uga soo baxday Wasaaradda 14-kii bishan Febraayo.