Mujaahid Adan Maxamuud (Aadan Siikaawi) oo ka waramaya shakhsiyadii iyo taariikhdii Marxuum Mujaahid Cabdillaahi Aw Cabdi Aw Xirsi (Xero)
London Feb 26,2015(SDN/QJ)-Ilaahay ha u naxariistee, waxa shalay magaalada Hargeisa aas qaran loogu sameeyey Marxuum Mujaahid Cabdilaahi Aw Cabdi Aw xirsi oo loo yaqaanay (Cabdillaahi xero). Aaska marxuumka oo ay ka soo qayb galeen ehelkiisa, masuuliyiin heer qaran, xisbi, madax-dhaqameed, mujaahidiin iyo dadweyne aad u fara badani, waxay marxuumka illaahay uga baryeen inuu janadiisa firdowsa geeyo, iyaga oo dhinaca kalena mujaahidiintii iyo dadkii aqoonta u lahaa ka marag furey doorkii lama ilaawaanka ahaa ee marxuumku uu ka soo qaatay halgankii qadhaadhaa ee lagu xoreeyey dalkan Jamhuuriyada Somaliland. Hadaba, si aanu wax badan uga ogaano shakhsiyadii iyo taariikh nololeedkii Marxuumka, waxa noo suurtogashay in aanu waraysano, Mujaahid Aadan Maxamuud oo loo yaqaan (Aadan Siikaawi) oo ay muddo dheer Marxuumka rafiiq ku ahaayeen halgankii dib u xoraynta dalka.
Mujaahid Aadan waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan;-
“Ugu horayn waxaan halkan tacsi uga dirayaa qoyskii, ehelkii, qaraabadii, mujaahidiintii iyo dhamaanba ummada reer Somaliland, aniga oo ka tacsiyadeynaya geerida ku timid Mujaahid Cabdillaahi Aw Cabdi Aw Xirsi (Xero). Marxuumka waxaan ilaahay uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo, janadii firdowsana geeyo, innagana samir iyo iimaan inaga siiyo.Aamiin. Intaa markaan ka gudbo, taariikh nololeedka marxuumka halkan kuma soo wada koobi karo, hase yeeshee haddii aan si kooban uga hadlo, Marxuumku waxa uu ku dhashay magaalada Labi-sagaale wakhti ku beegnaa qiyaasti horaantii 1950nadii. Marxuumku waxa uu ka soo jeeday qoys ehlu-diin ah oo Aabihii iyo Awowgiiba waxay ahaayeen culimo dadka diinta bara, taas oo Marxuumka u suurtogalisay inuu barto Quraanka Kariimka ah, noqdayna walad saalix ah oo caawiya qoyska uu ka dhashay oo inta badan ku noolaa miyiga Labisagaale. Yaraantiisii marxuumka waxa lagu naaneysi jirey “Caga-weyne”.
Marxuumku qiyaastii 1970kii ayuu u wareegay dhinaca magaalada Beder-wanaag halkaa oo adeerkii maqaaxi iyo meherad ganacsi ku haystay, isaga oo muddo kooban la joogay, ka dibna dabayaaqadii 1970kii ayuu yimid magaalada Hargeisa halkaas oo uu ku noolaa ilaa 1980kii wakhtigaas oo uu ku biiray ciidamadii militariga Soomaaliya, kana mid ahaa qaybta gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan jiibabka (106mm) halkaas oo uu ka gaadhay derejada “Saajin”. Wakhtiyadaa uu ciidankii Somaliya ka tirsanaa marxuumka waxa lagu naaneysi jirey “Walbaq” taas oo bedeshay naaneystiisii caruurnimo.
Markii uu xoogaystay cadaadiskii iyo cabudhintii ay dawladii militariga ahayd ku haysay shacabka, isla markaana uu Marxuumku u adkaysan waayey dulmigii socday, 1985kii ayuu ka goostay ciidamada isaga oo toos isaga xaadiriyey xaruntii tababarka ciidamada SNM ee ku taalay Awaare, halkaa oo uu tababar ku qaadanayey muddadii u dhexeysey 1985-1986kii. Ka dib markii uu dhameystey tababarka, marxuumku waxa uu ka mid noqday guutadii la odhan jirey “Fadhi-weyn”, waxaanuu ka hawlgali jirey xarumihii ciidamada SNM ee ku kala yaalay Kaam Maxamed, Kaam Buraale, Waabacado iyo Kaam Liibaan, kuwaas oo ka horjeeday fadhiisimadii ciidamada faqashtu ku lahaayeen magaalooyinka xadka sida Labisagaale iyo Qoolbuulale.
Dagaaladii uu sida geesinimada leh ugu soo caan baxay Marxuum Cabdillaahi ee uu wacdaraha ka dhigay waxa ka mid ahaa dagaalkii caanka noqday ee 1988kii ka dhacay goobta loo yaqaan “Cabdi Yuusuf” isaga oo Marxuumku ahaa Taliye urur. Dagaalkaa oo si weyn loogu naafeeyey cadowga, waxa soo shaac baxday geesinimada iyo hibada hogaamineed ee ilaahay siiyey Marxuumka. Guud ahaan ciidanka SNM ee ku sugnaa kana dagaal galay Burco-goobo iyo Cabdi Yuusuf waxa taliye u ahaa Muj. Cabdilaahi Cige Muuse (Obsi).
Marxuum Cabdillaahi xero waxa uu ku suntanaa dagaaladii gudo-galka 1988kii ee xoogagii SNM ku qaadeen magaalooyinka Burco, iyo Hargeisa, isaga oo marxuumku taliye sare ka ahaa ciidankii uu watay Maxamed Cali ee dagaalka qadhaadh cadawga kula galay kuna jebiyey goobaha kala ahaa Debis, Cadaadley iyo Madheera, ka dibna ka dagaal galay Hargeisa.
Marxuumku waxa uu ka mid ahaa asaasayaashii ciidankii quwada lahaa ee “Koodbuur” isaga oo noqday taliye ku xigeenka ciidanka, halka Muj Xasan Ganeyna uu ahaa taliyaha ciidanka. Marxuumku waxa uu ka dagaal galay goobo badan oo uu geesinmo iyo hogaamin dagaal oo sareysa ka muujiyey, sida Sharmaarke, Airportka Hargeisa, gadhka yogolka, dhaboolaq, caydaroosh, iyo goobo kale, isaga oo ahaa taliye xigeenka ciidankaa koodbuur ee ka dagaal galay 1991kii min Berbera, Hargeisa, Borama, Caasha-cado oo cadawgu fadhiisin ku lahaana cagta sii mariyey, ka dibna xadka Djibouti ee Lawya-cado soo taabtay. Marxuumku waxa kale oo uu ahaa taliyaha Q3aad iyo taliyaha ciidankii nabadgelyada.
Shakhsi ahaan, Marxuumku waxa uu ahaa nin geesi ah, hal adag, hanweyn, hadal iyo gacan toona aan habrashada aqoon, tiraba 4 ama 5 jeer ayuu ku dhaawacmay dagaaladii halganka ee uu galay. Marxuumku waxa uu ifka kaga tagay 7 caruur ah, oo 2 ka mid ahi dhasheen wakhtigii uu ku sugnaa gudaha Ethiopia, gaar ahaana fadhiisinkii SNM ee Kaam Liibaan, halka 5ta kalena dhasheen wakhtiyadii ka dambeeyey.
In kasta oo taariikhdii Cabdillaahi xero aanan soo wada koobi karin, hadana intaa aan idiin sheegay waa intaan ka xasuusto iyada oo wakhti dheer laga joogo, mar labaadna waxaan ilaahay uga baryayaa inuu demgissa dhaafo, janadana geeyo, aammiin.
Intaa waxa ii raaca oo aan ugu baaqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo ahaa gudoomiyihii ciidankii SNM ee marxuumku ka tirsanaa, waxaan ugu baaqayaa inuu xil gaar ah iska saaro caruurtaa Mujaahidku ka tagay oo hooyadoodna hore u dhimatay. Waxa ugu horeeya ee loo qabtaa ha noqodo guri iyo hoy ay galaan oo si dhakhso ah loogu dhiso. Sidoo kale waxaan ugu baaqayaa dhamaanba bulshada reer Somaliland in si weyn loo gacan qabto caruurtaa uu ka tagay marxuum Cabdilaahi oo ka mid ahaa ragii qaranimadan aynu maanta haysano naftiisa u huray”
Soo tebiye,
Cabdikariim Cali Baarjeex