|

Muran Ka Taagan Diyaarad ay Saaran Yihiin 25-Kun Oo Dhalooyinka Khamriga ah Oo Lagu Qabtay Garoonka Muqdisho

Muqdisho:Feb,25,2015(SDN/QJ)-Wararka laga helayo Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in ciidanka  amaanka Garoonku Gacanta ku dhigeen Diyaarad laga leeyahay Dalka Kenya oo nooca Rakaabka ah, balse haatan sidda 25-kun oo dhalooyinka khamriga ah.

dulWararku waxa ay intaas ku darayaan in diyaaraddu Khamrigaas u sidday Shirkad hore gacanta ugu hayn jirtey Garoonka oo lagu magacaabo SKA oo  haatan gacanta ku haysa qaybta shidaalka ee Garoonka Aadan Cadde.

Taliyaha Ilaalada Canshuuraha iyo Dhaqaalaha ee Somaliya General C/laahi Xasan Bariise, ayaa sheegay in markii hore dhallooyinka qamriga loogu sheegay inay yihiin sharaab/cabitaan caadi ah, laakiin ay baadhitaano ku ogaadeen in ay yihiin waxyaabaha maanka dooriya.

Taliyaha, ayaa tilmaamay in loo sheegay in qamrigaasi loo waday shirkadda SKA, isla-markaana ay u yeedheen si ay wax kaga weydiiyaan arrimahaasi, laakiin aanay u imanin, oo dhegaha ay ka fureysatay awaamiirtoodii.

General Bariise waxa uu qeexay inay arrintan u soo bandhigeen Madaxda Dowladda Somaliya, gaar ahaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Qaranka Daa’uud C/kariin Sheekh Cumar iyo Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda C/laahi Maxamed Nuur. Waxayna Wasiiradu u mahadceliyeen shaqada ay qabteen Ciidamada ammaanka ee Garoonka Aadan Cadde.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga, ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka ay tallaabo ka qaadi karaan, cidii dalka soo geliso waxyaabaha maanka dooriya, sida uu yiri.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda, ayaa isna sheegay in ciddii ku lug lahaata keenista dalka ee qamrigaan, ay Dowladddu soo xiri doonto, lana horkeeni doono sharciga, si tallaabo looga qaado.

Xeer Ilaaliyaha Guud Qaranka Axmed Cali Daahir, ayaa 20-kii bishii October sheegay in goobo ganacsi oo ku yaala Garoonka Aadan Cadde lagu iibiyo qamriga, isla-markaana ay wax ka qaban doonaan

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed