|

Maraykanka Oo Markii Ugu Horraysay Safiir U Magacaabay Somalia

Washington:Feb,25,2015(SDN/QJ)-Maraykanka, ayaa Markii ugu horraysay Safiir u magacaabay dhiggiisa Somalia tan wixii ka dambeeyey Dhicitaanka Dawladdii dhexe ee Somalia lahaan jirtey muddo 24-sano ah ka hor.

shatMadaxweyne Obama waxa uu xilkan Safiirka Soomaaliya u meteli doona dawladda Maraykanka u magacaabay Haweenay lagu magacaabo Katherine S. Dhanani, taasoo noqonaysa Safiirkii ugu horreeyey ee Maraykanku ku yeesho Soomaaliya muddada dhawr iyo labaatanka sannadood ku siman. Waxaanu Maraykanku sheegay inay ka go’an tahay caawimada iyo wax la qabashada Soomaaliya.

Safiirkan cusub ee Maraykanku u magacaabay Soomaaliya, ayaa Warka ka soo baxay Aqalka Cad xalay saacadihii dambe oo Arbaca ahayd, isla markaana Salaasa u ahayd Maraykanka, waxa lagu sheegay inay ka shaqayn doonto xoojinta xidhiidhka labada dal, isla markaana magacaabista Safiirkani guul u yahay labada waddan ee Maraykanka iyo Soomaaliya iyo socodsiinta danaha iyo hawlaha gaarka ah ee labada dawladood ka dhexeeya.

Afhayeen u hadlay Waaxda Siyaasadda ee Wasaaradda dibedda Maraykanka Mr. Jen Psaki, ayaa guul taariikhi ah ku tilmaamay magacaabista Safiirka cusub ee Maraykanku u diranayo Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay in tallaabadani muujinayso horumarka laga gaadhay isu-soo-dhawaanshaha iyo koritaanka xidhiidhka u dhexeeya Soomaaliya iyo Maraykanka iyo sidoo kale horumarka dadka Soomaalida ah ee dhinaca ka soo kabashada colaadaha muddada dheeraaday ee ay ku soo jireen tan iyo 1991-kii, inkasta oo aanay weli dhammaan.

“Magacaabistan taariikhiga ahi waxay muujinaysaa xidhiidhka soo koroya ee u dhexeeya waddamada Maraykanka iyo Soomaaliya. Waxay magacaabistani ka tarjumaysaa horumarka dadka Soomaalida ahi ka gaadheen inay ka soo kabtaan dagaalladii iyo degganaansho la’aantii ay muddada tobannaanka sano ah ku soo dhex-jireen.” Sidaa ayuu yidhi Sarkaalkan u hadlay Wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka.

Sarkaalkani waxa uu intaas ku sii daray in iyadoo loo eegayo hadba sida uu ammaanka Soomaaliya uga soo kabanayo inuu dhaqso Maraykanku u furayo Safaaraddiisii magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, hase-ahaatee, ay Safiirkani hadda ku sii shaqayn doonto magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ee Jaarka la ah waddanka Soomaaliya.

Dawladda Soomaaliya ee hadda jirta ee uu Madaxweynaha ka yahay Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ah dawladdii ugu horreysay ee Soomaaliya ee ay dawladda Maraykanku si rasmi ah dawladnimo ugu aqoonsato wixii ka dambeeyey dawladdii Millateriga ahayd ee uu hoggaaminayey Kalidii-taliye Maxamed Siyaad Barre, isagoo Maraykanku dawladihii federaalka ku-meel-gaadhka ahaa ee Soomaaliya soo maray intii u dhaxaysay burburkii dawladdaas iyo dhismihii dawladda Xasan Sheekh aan aqoonsan.

Waxay dawladda Federaalka Soomaaliya noqotay dawladdii ugu horreysay ee Safiir u dirata Maraykanka tan iyo wixii burburkii dawladdii Millateriga ka dambeeyey, kaasoo bishii Ogosto ee sannadkii 2014-ka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u magacaabay Raysal-wasaaraha hadda xilka haya oo noqday Safiirkii ugu horreeyey ee Washington u fadhiista dawlad Soomaaliyeed intii ka dambaysay 1991-kii.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed