Madaxweynaha oo qaabilay danjiraha Netherlands ee Soomaaliya
Muqdisho 25.Feb 2015 (SDN/QJ)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay danjiraha boqortooyada dalka Netherlands ee arrimaha Soomaaliya Joost Reintjes.
Kulankaasi ayaa looga wadahadlay xoojinta xiriirka iskaashi ee labada dal.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safiirka u sheegay in Soomaaliya ay soo dhoweyneyso barnaamijyada maalgashiga, dib u dhiska iyo kaalmada isugu jirta ee Netherlands dooneyso inay ka fuliso Soomaaliya, kuwaasoo uu sheegay inay waxtar u leeyihiin mustaqbalka Soomaalida cusub.
Danjiraha Netherlands Mr. Reintjes oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisa ay wadashaqeyn buuxda la yeelaneyso Soomaaliya isla markaana kaalin muuqata ka qaadan doonaan mashaariicda kala duwan ee horumarinta iyo kuwo kale.
Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka amniga qaranka Cabdirisaaq Cumar Maxamed, wasiirka batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim iyo mas’uuliyiin kale.
Muqdisho SDN/QJ