|

Xisbiga Waddani oo Mawqif adag iska taagay Sii Socoshada Wada hadalada Somaliland iyo Somalia DAAWO

Hargaysa 25.Feb 2015 (SDN/QJ)- Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ayaa Mawqif adag iska taagay Sii ambo qaadista Wada hadalada u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia oo la filayo in dabayaaqada bishan ay Mar kale ka qabsoomaan dalka Turkiga.

Ergada Xukuumada Somaliland u metelaysa Wada hadalka ayaa Maalintii Shalay Waxay Kulan la qaateen Sadexda Xisbi qaran taas oo uu Wasiirka Arrimaha Dibadu ku macneeyay Mid ay ku sii badsanayaan Talada Hasa Yeeshee Xisbiga Waddani ayaa dalbaday in Gebi ahaanba la Joojiyo Wada hadalkan oo ay ku sifeeyeen Mid Madhalays ah isla markaana aan Si Xaqiiqo ah loo fulin wixii lagu heshiiyay ee hore.

Comments are closed