|

Cali Khaliif Oo Markii Ugu Horraysay Gudaha u Galay Villa Somalia Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Xasan Sheekh Maxamuud

Muqdisho:Feb,24,2014(SDN/QJ)-Cali Khaliif Galaydh ooh ore u sheegtay Madaxtinimada Kooxda Khaatumo ee Dagaalka kula jirta somaliland, ayaa muddo dheer oo ku sugnaa Muqdisho, waxa uu  fursad u helay inuu la kulmo madaxweyne Xasan sheikh.

koobCali Khaliif ooh ore warbaahinta eedo ugu marin jirey Madaxweyne Xasan sheikh, ayaa kulan saacado badan qaatay madaxtooyada kula yeeshay Xasan sheikh, waxana la sheegayaa inuu u bandhigay caqabadaha horyaalla Deegaanada uu madaxtinimadooda sheegto oo dibudhac badani ka muuqdo haatanaan, maadaama ay jabhado ka jiraan.

Kulanka ayaa waxaa  goob-joog ka ahaa wasiirka gaadiidka cirka iyo dhulka xukuumada Soomaaliya Dr. Cali Axmed Jaamac (Jengeli) oo ah ninka kasoo shaqeeyey kulankaas.

Xidhiidhka labada Cali Khaliif iyo Madaxweyne Xasan sheekh ayaa la sheegaa in aanu hore u wanaagsanayn balse kulanka haatan ayaa la saadaalinayaa in uu wax weyn ka bedeli doono.

Dawladdii Ku-meel-gaadhka ahayd ee Somalia, ayaa wakhti sheegtay inay aqoonsan tahay Maamulka kHaatumo, balse waxa arrintaas ay hoos u dhigtay markii ay Somaliland diidmo badan ka muujisay, iyadoo la ixtiraamay Wada-hadal xilligaas labada dhinac u socday oo xiiso badan loo qabay.

Cali Khaliif, ayaa muddo sanad ku dhaw sheeganayey madaxweynenimada Maamulka Khaatumo, balse wax taageero ah kama uu helin bulshada caalamka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed