Madaxweynaha Somaliland Ayaa Maanta Ka Qaybgalay Furitaanka Kuwait Terminal Berbera Oo Laga Hir Galiyey Madaarka Magalada Berbera(Sawiro)
Berbera 23/2/2015(SDN/QJ)_Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xadhiga ka jaray dhisme aad u qurux badan oo loogu magacdaray Kuwait Terminal, Berbera International Airport oo ay dawlada kuwait maalgelisay dhismihiisa.
iyado dhismaha madaarku socday in mudo furitaanka Terminalkani ayaa waxa madaxwaynaha ku wehelinaayey qaar ka mida xubnihiisa golahiisa wasiirada
waxaana halkaasi madaxweynaha ku soo dhaweeyey masuuliyiinta heer gobol iyo Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada mudane Maxamuud Xaashi Cabid.
waxaana isla Terminalkaasi lagu qabtay xaflad aad loo soo agaasimay khudbadna ay ka jeediyeen wasiirka Duulista iyo Madaxweynuhu,
iyadoo Terminalkani loogu magacdaray kuwit Terminal, Terminalkani ayaa waxa uu noq doona mid wax balaadhan ku soo kordhiya madaarka berbera
Berbara SDN/QJ
Concat@Somalidiasporanews.com