Maraykanka Oo Rumaystay Hanjabaad Uga Timi Al-shabaab Iyo Tallaabada Uu Qaaday
Washington:Feb,23,2015(SDN/QJ)-Maraykanka ayaa sheegay inay sideeda u qaadanayaan Hanjabaad kaga dhimi dhinaca Kooxda Al-shabaab oo sheegayey inay weerari doonaan Xarumo Yuhuuddu leedahay oo ku yaalla Dalalka Maraykanka, Ingiriiska iyo Canada.
Xoghayaha Amniga Gudaha ee Maraykanka Jeh Johnson, ayaa sheegay inay ka digtoonaan doonaan hanjabaaddaas oo ay xaqiiqsanayaanâ, kana hortagayaan Weerar kasta oo suurtagal ah.
Xoogagga Amaanka ee dalka Maraykanka ayaa qaadday talaabooyin ay ku adkeynayaan amniga goobaha ganacsiga ee dalka, ka dib hanjabaad toddobaadkan ka timid ururka Alshabab ee Somalia.
Ururka ayaa ku hanjabay inuu weerari doono goobaha ganacsiga ee waaweyn ee dalalka reer Galbeedka, isaga oo si gaar ay u carrabaabay goob ganacsi oo ah ta ugu weyn Woqooyiga Maraykanka oo lagu magacaabo Mall of American. Goobtan ayaa ku taalla gobolka ay Soomaalidu ku badan yihiin ee Minnesota.
Al-shabaab Muuqaalka ay soo saareen waxay ku magacaabeen Goobo gaar ah oo la doonayo in la qarxiyo, kuwaas oo Maraykanku haatan tilmaamay inuu Dhab u qaadan doono.
SDN/QJ