|

Faahfaahin Dheeri ah Oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia Ka Bixiyey Haweenaydii Isku Qarxisay Hutel Central Ee Magaalada Muqdisho

Muqdisho:Feb,23,2015(SDN/QJ)-Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Wasiirka Amniga Somalia, ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadlay Qaraxii ka dhacay Hutel Central, waxana uu xaqiijiyey in qaraxyadaas ay Fulisay Haweenay Hutelka ka Shaqaynaysay.

abriMr C/risaaq oo wareysi siiyay VOA-da ayaa sheegay in haweeneyda is qarxisay ay ka mid aheyd shaqaalaha Hotelka, isagoo tilmaamay inay aheyd hooyo dhashay lix caruur ah sida uu hadalka u dhigay

“Qaraxyadan waxay ku dhaceen habacsanaanta ilaalada Hotelka, waxayna sababeen khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac ah, qof dumar ah ayaa is qarxisay oo ka shaqeyneysay qeybta soo dhoweynta Hotelka”ayuu yidhi Wasiirka Amniga Gudaha.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in baadhitaano ay wadaan, isla markaana weerarkan loo xidhay labo mas’uul oo ka mid ah mas’uuliyiinta Hotelka iyo 10-kale oo ahaa Ilaaladii Hotelka, kuwaasoo uu xusay in wax laga weydiinayo qaraxa ka dhacay gudaha Hotelka.

Mar la weydiiyay Wasiirka in haweeneyda is qarxisay ay ka timid dibadda ka timid ayuu ku gaabsaday inay kaliya hayaan xogta ah inay ka timid mid ka mid ah dalalka Yurub, balse aanu dooneyn inuu carabka ku dhufto, maadaama wali ay socdaan baaritaanada la xidhidha arrintan.

“Haweeneydan waxaa maqalnay inay Yurub ka timid, ninkeediina uu Xamar ku dhintay, sababo aan ogeyn, waxay laheyd lix caruur ah oo labo-labo mataano u ahaa, waligeed Hotelka ma seexan, waxay seexatay markii u horeysay subixii ay qaraxyada dhacayeen habeenka ka horeeyay”ayuu yidhi Wasiirka Amniga C/risaaq Maxamed Cumar

Dhinaca kale waxaa uu Wasiirku sheegay inay xog ku heleen in maalin ka hor maalintii uu qaraxa dhacay ay lixdii caruur ee ay dhashay ay hooyadeed u dirtay, balse aanay garanayn meesha ay hooyadu deggen tahay.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa xusay in labo qof ay weeraradan fuliyeen, balse wali hey’adaha ammaanka dowladda ay wadaan baadhitaanada ku aadan dadkii abaabulay qaraxyada, waxaana loo maleynayaa in ruuxa kale aanu ku jirin dadka is qarxiyay, hase ahaatee uu wax ka abaabulay gaadhigii ku qarxay gudaha Hotelka.

 

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed