Muran Dhinaca Magaca ah Oo Ka Dhex Curtay Shirkadaha Duulimaadyada Afrikan Express, Jubba Airways Iyo Daallo
Muqdisho:Feb,22,2015(SDN/QJ)-Kadib markii ay dhawaan Midoobeen Shirkadaha Duulimaadyada ee Daallo iyo Jubba Airways, ayaa waxa soo baxaya falcelin kaga timi dhinaca Shirkadda kale ee African Express.
Shirkadaha Daallo iyo Jubba, ayaa ku heshiiyey inay qaataan Magaca African Airways Alliance, waxana taasi keentay inay jawaab liddi ku ah ka helaan dhigoodda African Express.
Magaalada Muqdisho waxaa shir isugu yimid madaxda shirkadda African Express Airways; waxaana gabagabadii shirkaasi laga soo saaray warsaxaafadeed ka dhan shirkadaha Jubba & Daallo ee qaatay magaca African Airways, iyadoo maamulka shirkada dayuuradaha Afrika Airways ay ku tilmaameen arrin xagudub ku ah ganacsiga xorta ah ee caalamka in magacii shirkadooda (African Airways) la qaato; waxaana masúul u hadlay shirkadaasi uu sheegay in shirkadaha kale ay la gudboon tahay in ay xaqdhowraan xuquuqda lahaanshiyaha magaca shirkada.
“African Express Airways waxey ugu baaqeysaa macaamiisheeda in duulimaadkeedii Imaaraadka Carabta ay billaabeyso 1-da bisha April” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka ay soo saareen African Express Airways, waxaanna sidoo kale lagu sheegay in shirkaddu ay muddo muddo ku dhow 20 sannadood ku jirtay howlaha duulimaadyada, ayna isaga kala goosheysay Geeska Afrika iyo dalalka carabta; sannadihii ugu dambeeyeyna ay yeelatay macaamiishii ugu badneyd markii ay kordhiyeen duulimaadyadeeda dalalka Geeska Afrika & Carabta.
Warsaxaafadeedka shirkada African Express Airways waxaa kaloo lagu sheegay in loogu baaqayo shirkadaha qaatay magacooda in sida ugu dhaqsiyaha badan ay raaligelin uga bixiyaan.
“Magaca Express Airways, African Express & African Airways limit intuba waa magacyada ay ku soo howlgashay shirkadeena, waxaan soo dhoweyneynaa suuqa tartanka ganacsiga, waxaanse ka soo horjeednaa in magacii ay shirkaddu muddo 20 sanno ah ku soo caana-maashay in si aan sharci aheyn loo istcimaalo. Garyaqaanada shirkadaha waxey geed gaaban iyo geed dheer u kori doonaan sidii qolo kasta oo isku dayda in ay si sharci darro ah ku isticmaasho magaca shirkadaha Afrikan Express airways ay sharciga ula tiigsan lahaayeen” Ayaa lagu yidhi Warsaxaafadeedka.
Shirkadaha Daallo iyo Jubba, ayaan wali wax jawaab ah kasoo saarin falcelinta kaga timi shirkadda kale ee African Express, waxase la filayaa inay dhawaan soo saari doonaan waxa uga qorshaysan Eeedaha loosoo jeediyey.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com