|

Maayarka Hargaysa oo Fariin u diray Waalidiinta Caasimada Hargaysa

Hargaysa 22.Feb 2015 (SDN/QJ) – Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa khudbad uu ka jeediyey masaajidka Cali Mataan ee badhtamaha magaaladda Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlayay dhalinyaradda habeenkii rabshadaha sameeya.

maayarMaayarka ayaa waalidka dhalay carruurtooda ugu baaqay inay ka war hayaan,isla markaana waalid walba ogaado halka uu ku maqan yahay iyo halka uu joogo.

Maayarka caasimadda ayaa wuxuu dadweynaha caasimadda Hargeysa ugu baaqay inay amniga ilaashadaan, isla markaana la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isagoo ku baaqay in waalidku caruurtoodda dhibaatadda ku haya dadweynaha caasimadda wax ka qabtaan.

Waxaan ugu baaqaya waalidka dhalay caruurta habeenkii dhibaataddda u gaysta dadka iyo hablahoodda inay wax ka qabtaan, waayo cidda ay wax u geysanayaan waa hablahooddii iyo dadkii ay la dhasheen, marka waa in waalid waliba ilmihiisa ogyahay halka uu joogo iyo halka uu ku maqan yahay, waa in waalidka iyo ciidamadda amaanku wada shaqeeyaa, maaha waalidku in marka ilmihiisa dadka dhibayey la qabto uu soo hor booddo oo uu yidhaa ilmahaygu wax dambi ah ma galin, haddii waalidku caruurtiisa wax ka qaban waayo waa loo edbinaya”ayuu yidhi Maayar Solteko oo waalidiinta magaaladda Hargeysa ku boorinaya inay caruurtoodda xakameeyaa .

Sidoo kale, Maayar Soltelko waxa uu dadweynaha ugu baaqay inay la shaqeeyaa Dab-damiska wakhtiyadda ay guryaha gubanaya u gurmanayaan.

Maayarka Caasimadda Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid ayaa ku dheeraaday in waalidku wax ka qabto dhalinyaraddaasi rabshadaha habeenkii ka sameeya caasimadda.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

Comments are closed