|

Raysal Wasaare Xigeenka Somalia oo loo qaaday Dalka Turkiga si Dhaawiciisa loogu soo dabiibo

Muqdisho 23.Feb 2015 (SDN/QJ) -Ku-xigeenka Ra’isal Wasaaraha Somalia Maxamed Cumar Carte Qaalib, ayaa loo duuliyey Dalka Turkiga kadib dhaawac kasoo gaadhay Qaraxii Doraad ka dhacay  Magaalada Muqdisho .

Ina Cumar CarteDhaawaca Raysalwasaaraha ayaa maalintii shalay la dhigey isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, waxaana ehelkiisu sheegeen in uu wax ka qabo dhanka lugaha.

Yaasiin Bucul oo ka mid ahaan jirey baarlamaankii kumeel-gaadhka ahaa, kana mid ah qaraabada Raysalwasare ku-xigeenka ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in diyaaradda Turkish Airlines ay maanta Muqdisho ka qaadey Maxamed Cumar Carte, si loogu soo daweeeyo dalka Turkiga, waxana wehelinayey siyaasiyiin kale oo dhaawacyo qabay.Xukuumadda Somalia ayaa mar ay ka hadlaysay dhaaawaca Ra’isal wasaaraha sheegtay inaanu ahayn mid sidaas u sii ridan, balse Qaadistiisan ayaa abuurtay shaki ah inuu heerka dhaawiciisu ku duwan yahay midka xukuumaddu sheegtay.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkalagu dhaawacey raysalwasaare kuxigeenka, waxaana dadka fuliyey ay ahaayeen nin iyo Haweenay is qaba, gabadhu waxay ka mid ahayd shaqaalaha Hotelka ay weerarka ku qaadey.

Comments are closed