|

Muqdisho: Qarixii Shalay + Socdaalka Maanta Ee Madaxweyne Geelle Iyo Xarunta Akadeemiyada Af-Soomaaliga oo la dhagax-dhigay

Muqdisho, 21 Feb 2015 (Ogaal)-Xaflad si heer sare ah loo soo qaban-qaabiyay oo lagu dhaxagax dhigayay Xarunta Akadeemiyad-goboleedka Af-Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho.

geele iyo xasan 3 geele iyo xasan 2 geele iyo xasanXafladda waxaa goobjoog ka ahaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Wasiirro, xildhibaanno, abwaanno iyo qeybaha bulshada.

Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ismaaciil Cumar Geelle ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay Xarunta Akadeemiyad-goboleedyada Af-Soomaaliga oo laga dhisayo degmada Shangaani ee gobolka Banaadir.

07-300x225Madaxweyne Geelle wuxuu si kooban uga warbixiyay qiimaha ay maalintaan u leedaday ummadda Soomaalida iyo waxtarka xarunta la yagleelay.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay xafladda ayaa isagana dhankiisa sheegey in maanta ay dhagax-dhigeen xarunta dib u soo nooleynta dhaqanka iyo Af-Soomaaliga.

 

 

Comments are closed