|

Maraykanka Oo Si Kulul U Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Masuuliyiin Xukuumadda Somalia Katirsan

Washington:Feb,21,2015(SDN/QJ)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka, ayaa safka hore ka gashay Dalalka cambaareeyey Weerarkii shalay lagu qaaday Hutel Central oo ku Yaalla Gudaha Magaalada Muqdisho.

samorKooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi. Waxaa la sheegay in badhtilmaameedku ahaa saraakiil ka tirsan dawladda, oo salaada jimacaha ku tukanayay masaajid ku yaalo huteelka, kuwaas oo qaarkood geeriyoodeen, halka qaar kalena dhaawacyo qabaan.

Afhayeenka Waaxda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka Jen Psaki ayaa sheegtay in weerarkan uu astaan u yahay sida kooxda Al-shabaab ay uga horimaadsantahay dadaalada ay Soomaalida ku doonayaan in ay ku dhistaan ‘mustaqbal barwaaqo leh’.

“Waan sii wadi doonaa taageerada dadka Soomaalida iyo dawladooda ee ay ku doonayaan in ay dib ugu dhisaan dalkooda. Kuwa doonaya in ay isku gudbaan hormarka Soomaaliya ma guuleysan doonaan,” ayey tidhi Psaki oo shir jaraa’id ku qabatay Washington.

Waxaa lagu sheegay in uu yahay weerarkii ugu xumaa ee caasimada ka dhaca mudda sanado ah.

Britain iyo Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale cambaarayn dusha ka saaray Weerarkaas, waxana ay ku baaqeen in tallaabo laga qaado cidda weerarkaas fulisay.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed