|

Dhammaanba Shaqaalihii, Ilaaladii Iyo Muliilihii Hutel Central Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Muqdisho:Feb,21,2015(SDN/QJ)-Sida wararku sheegayaan Ciidamada Ammaanka, ayaa xabsiga u taxaabay Mulkilihii Hutel Central, Shaqaalihii iyo Ilaaladii gaarka u ahayd, kuwaas oo looga shakisan yahay inay ku lug lahaayeen qaraxaas dhacay.

yadiiMulkiilaha Hutelka, ayaa la sheegayaa in lagu haysto masuuliyadda uu  iska saaray Ammaanka Guud ee Hutelka, waxana la weydiinayaa Su’aalo la xidhiidha ogaalkiisa la xidhiidha taxadarkii laga muujiyey Masuuliyiinta intaas le’eg ee halkaas ku sugnaa.

Ilaa laba jeer ayaa afafka hore ee Hotel Centeral lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsanaa Baarlamaanka Dowlada, mana jiro jawaabo ay Ilaalada Hotelkaasi ka bixiyeen, taasi oo hore u muujisay shaki, ayaa waxaa hadana xigay Qaraxyadii lagu weeraray Hotelka.

Dhanka kale, Xadhiga ilaalada iyo shaqaalaha Hotelka ayaa waxan weli ka hadal Laamaha amaanka iyo Maamulka Hoteelka.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed