|

Sharci-yaqaan Ka Qalbi Jabay Caddaalad-darrada Xukuumadda Siilaanyo Oo Dalbaday In Dalka Laga Mustaafuriyo

Berbera:Feb,21,2015(SDN/QJ)-Sharciyaqaan Maxamed Xasan Siciid oo kamid ah Dadka aqoonta durugsan u  leh arrimaha Sharciga, ayaa ka muraaradillaacay Burburin xagga xeerarka dalka iyo caddaalada ah oo uu ka tirsanayo Gebi ahaanba Masuuliyiinta qaranka somaliland.

sheenMuwaainkan oo muddo daba socday Dhul uu sheegay inuu leeyahay oo Xukuumadda iyo maamulka Gobolka Saaxil xoog kaga haystaan, kaas looga dhaartay in si caddaalad ah loogu eego, waxana uu ciilkii uu arrintaas ka qaaday dalbaday in gebi ahaanba lagala noqdo dhalashada waddanka, isla-markaana dalka laga mustaafuriyo.

Garyaqaan Maxamed Xasan Siciid ayaa qoraal dheer oo uu warbaahinta mariyey ku shaaciyey inuu caddaalad-darrada jirta awgeed dalbaday in lagala noqdo dhalashada Somaliland-nimada,

“Waxan xafiiska Badhasaabka Gobolka Saaxil oo ah sarkaalka ugu sarreeya Somaliland hortiisa dhigay Qoraal aan kaga tanaasulay Jinsiyaddi somaliland, kuna dalbaday in gebi ahaanba dalka la iga mustaafuriyo, sababtoo ah waxa shaqayn waayey sharcigii iyo xeerarkii dalka u dejisnaa. Mar haddaan sharcigu ahayn mid loo siman yahay, mar haddii aanay jirin Maxkamad Madax  bannaan oo lag dacweyn karo madaxweynaha somaliland, Maayarka Berbera iyo dhammaanba Xildhibaanada Golaha Degaan, waxana aan sharciga u bartay in maanta oo kale aniga iyo Dawladdu sharciga ku kala baxno.” Ayuu yidhi Maxamed Xasan Siciid.

Maxamed Xasan Siciid oo wajigiisa ay Qoysay ilmo ka dhalatay Caddaaldarro uu sheegay in muddo dheer lagu hayey ayaa ku dheeraaday sida Xukuumadihii kala dambeeyey  ee Somaliland soo maray oo tan haatan jirtaa kamid tahay u qiimo tireen Kaadhkii dhalashada, waxana uu tilmaamay inuu noqday mid hadba cidda xukunka Haysaa sharaf ku yeelato oo ku hantido Khayraadka dalka, waxana uu yidhi,

“Waxan Diiday inaan qaato Kaadhka Somaliland ee Bilaa qiimaha ah, waana kaadh hal dhinacle ah, waa kaadh hadba cidda Xilka haysa ee Madaxweyneyaasha, xildhibaannada, maayaradda ee umaddu ay dooratay iyo cidda u namac laysaa ay yihiin muwaadinka dhabta ah, kuwaas uunbaana yeelan kara dhismayaasha waaweyn ee Berbera, kuwaas uunbaan manaafacaadsan kara Dawladnimada.”

Beesha caalamka ayuu ka dalbaday inay gacan ka siiyaan Caddaalad darrada lagu sameeyey, waxana uu soo jeediyey in dalka sidii uu uga bixi lahaa looga shaqeeyo.

 

SDN/QJ

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed