War Degdeg ah: Xasan Sheekh Oo War Kasoo Saaray Weerarkiii Lagu Laayey Saraakiil Xukuumaddiisa Katirsanayd
Muqdisho:Feb,20,2015(SDN/QJ)-Madaxweyne Xasan sheikh, ayaa Noqday masuulkii ugu horeeyey eek a Hadla weerarkii maanta lagu qaaday Hutel Central ee Magaalada Muqdisho, kaas oo lagu laayey saraakiil sare oo xukuumaddiisa ka tirsanayd.
Qoraalka Madaxweynuhu kasoo saaray Weerarkaas oo salka ku hayey mid uu ku muujinayey dareenkiisa, ayaa u dhignaa sidatan:
“Aad baan uga xumahay in kooxaha nabadda ka soo horjeeda ay mar kale dad Muslimiin ah oo waajibka salaadda Jimcaha gudanaya ay ku weerareen masjid hoteelka Central ku dhex yaalla. Ilaahay ha u naxariisto inta ku dhimatey, kuwa ku dhaawacmeyna waxaan Ilaah uga baryayaa inuu degdeg caafimaad buuxa u siiyo.”
Madaxweynaha ayaa sheegay in weerarkani aanu dib u dhac ku keeni Karin hawlaha dowladda iyo dadaalka nabada lagu sugayo, isla markaana la sii wadi doono dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada iyo kuwa kale ee ka soo horjeeda xasilooni ay Soomaaliya hesho.
“Waan sii wadeynaa dagaalka ka dhanka ah argagixisada. Waxaana hubaa in weerarkan uu mar kale u caddeynayo shacabka Soomaaliyeed in kooxaha magaca diinta sida khaldan ugu gambanaya aysan wax xushmad ah u ahayn diinteena saliimka ee Islaamka ee nabadda ina fareysa, iyagoo dilaya dad Muslimiin ah oo ana waxba galabsan. Ciidammadeena amniga oo kaashanaya ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM), iyo shacabka marnaba joojin maayaan dagaalka kooxahaasi ka dhanka ah, ilamaa Soomaaliya ay nabad buuxda ka hesho’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ugu baaqey shacabka inay sii wadaan gacansiinta iyo la shaqeynta laamaha amniga.
SDN/QJ