Saxafi Cali Cabdi Coomey !!! Magacaagu Yuu Noqon, Mid Xumaan Ka Marag-Kaca!!!
Ma ihi Saxafi !!!
Hadana tan iyo 65 kii ( Nus Qarni ) oo aan dhiganaayey Dugsiga Hoose ee Qudh-Dheer, Waxan xoog ilaa Yawmanaa Haadaa an u xiiseeya Saxaafadda Caalamka Caam ahaan, Khaasatan ta Somaliland. Muddadaa Dheer, Waxa Kaydka Xasuusta ii Sudhan, Maraaxilkii kala duwanaa ee Saxaafadda Somalilan iyo Saxafigeedu u soo maray.
Waqfa Dariifa:
Sannadkan Iskuulka Bilaabay ayaan ( 63kii ) Khasnadii Dukaanka Aabbo Allaa Yarxamu, Waxan ka helay Jaraa’id, Dhawr Cadad ah kuna qoran Af Carabi, soona baxay Maalintii loo Codeynaayey Doorashadii Xorriyadda Somaliland, Tiradii, Magcyadii, Magaaladu Ka soo Baxay, Inta Cod ee uu helay iyo Xisbigu ka soo Baxay. Cadadka labaad ee Xiisaha badnaana waxa uu soo Baxay, Maalintii 26 kii June ee Dabaaldegii iyo Dabaaldegu uu Socday Boolooga. Waxa aad u Qiimo Badnaa, labadan Cadad oo dhawr Bilood kala danbeeyey, Wazniga iyo Naxwaha Dhisnaa ee Af Carabigu u Qornaa. Waxan baryahaa ogaaday in Jaraa’idkaa, labadaa Cadad lagu soo kala Daabacay Magaalada Qaahira tii hore, tan 26 June Magaaladii Cadan. Waxan Xusaa, Waxan dareemaa dhawrkaa Cadad oo tan iyo 1988 kii Gurigii Reerka yaalay, Halkaas oo aynu Kaga Qaxnay
Qormadaydan Maanta, Waxan ku Falanqeyn doonaa Maraaxilkii kale gedisnaa ee Saxaafadda Somaliland soo Martay oo aan u Kala Qaadi doono:
1 ) Horaantii 1950 kii Xilliyadii Idaacadda BBC da laanta Af Somaliga la Bilaabay iyo Idaacadii Radio Hargeysa iyo Dawrkii Rasmiga ahaa ee Saxaafadda Somaliland. Waxa kale oo iyana Dawr Dadban ku lahayd Idaacaddii Sawtul Carab min Al Qahihra xilkaas oo uu Aloosna ama u Dhacay Dagaalkii Bariga Dhexe.
Waxan Qadarin iyo Ixtiraam Iyo Gaar Magacyadooda ku Maamuusayaa labadii Wariye ee Aasaasay laantii Af Somaliga ee BBC da iyo Radio Hargeisa ee Saxaafadda Somaliland Dhidibada u Dhigay, Allaah Yarxamu Haji Abdi Dualeh iyo Haji Osman Farah Kahin.
2 ) Difcaddii labaad ee Miisaanka u yeeshay Saxaafadda Dalka ee Cilmi Aqooneedka ku qotomisay, Xilliyadii 65kii ilaa 70kii waxay ahaayeen Ragga UK waxbarashada u tagay ee aanan Tiro ku koobi karin, Waa Kooxda aan u Qirsanahay in ay Saameyn iyo Tayo u Yeeleen Waxbarashada Dugsiyada Somaliland ilaa 76 kii.
Raadka Muddo yar ee Kooban, labadan Idaacadood ku yeesheen Dadka ku hadla Somaliga.
Mustawaha Aqoonta Guud ee Dadkeenu Miyi iyo Magaalaba, waxaynu ka mid nahay Shucuubta Caalamka ee lagu ammaano!!! Waxaynu ahayn Mujtamac la Bahoobay Dhegaysiga Aalladda Wararka iyo Tebinta ee Radios. Waxa Bilawga Waxbarasho, Macalimiintii Iskuulka, ii Weheliyey oo aan Qirsanaa in Ardayda Fasalka in aan Dheeraa, Adeerkay Mohamed Hussein ( Guud-Cadde ) Allaah Yarxamu.. Muddo ku Sineyd Fasax Dugsiyeed ayuu i Baray Taqriiban 65% Madaxda Caalmaka, Caasimadaha iyo Aqoon Guud. Waxan weli si gaar ah u Xasuustaa Xoghayihii Guud ee Jaamacadda Carabta 65kii la odhan jiray Abdikhalaq Hasounah. Adeerkay Aqoonta uu Xanbaarsanaa Dugsiyo uma Gelin, ee labadaa Idaacadood ee Af Somaliga ku Hadla iyo Wariyayaasha Daadidihiya ayuu ka bartay.
3 ) Group kii Saddexaad oo ka koobnaa laba Lot oo 72 kii iyo 73 kii, kolkay soo Dhamaysteen Shaqadii Qaranka, Toos loogu Wareejiyey Wasaaradda Warfaafinta ee Somaliya. Waa Difcaddii ugu badneyd ee Mar la wada Qaato, Waa Difcadii ugu Servise ka badan, Waana Difcadda inta badan Dalka iyo Dibedba ka soo Shaqaysay. Waa Difcadda igu Qoran in ay yihiin Raasamaalka Bahda Saxaafadda Somaliland.
4 ) Bahda 4aad Waa Inta Saddexdaa Hore ka Hadhay!!! Qaybtan Afraad waxan Qalin ugu Muujinayaa Taladayda Waayo Aragnimo oo Saxafiyiintaa aan Dhagaysanaayey ama Ardayba aan u ahaa in ka badan Nus Qarni. Saddexdaa Xul ee aan Bahda Saxaafadda u kala Qaybiyey, Waxan ku Ixtiraamaya kuna Sharfayaa Karamka ay Xilkoodii u Guteen. Waxay Taariikhada Dalka Kaga Qoran Yihiin Baal Dahab.
Saxafigu ama Weriyuhu Waa Maro Cad oo Xariir ah, Waxa Ka ReebanWar aan Jirin oo Fidno iyo Colaad Abuura. Waxa ka Reeban Xaqqa oo aad Qalinkaaga ku Duudsiso!! Fidno aad Beelaha Deegaanka, Ceel Biyoodka Wadaaga ee Dalka iyo Qaranka Wadaag aad kala Dhex Dhigto. Dadku intii Meel, Magaalo ama Daaq wadaagtaa, Waa Qabaa’il, Taariikh Wadaaga. Dal iyo Dalwadna wadaaga!!! Dawladnimadu Yey Noqon Hab lagu Kala Sed Bursado oo kolba kii Gacanta Ku Hayaa inta kale ku Dhibo ama Xaqooda ku Duudsiyo. Waxan dib la Soo Qiimeyn doona Group kan Afraad Dhawaan, Haddii Illaahay Idmo.
Hadalka inta danbe Waxan ula leexday oo Idin soo Bandhigay laba Maqaal oo Asbuucan Warbaahinta soo galay oo kala ahaa, Sooyaalkii Taariikhdii Wargeysyada Somaliland iyo Taariikhdii Magaalada Berbera Qalimkii
Saxafi Cali Cabdi Coomey.
Taariikhda Magaalada Berbera:
Haddi aan si Gaaban u Tilmaamo, Mud. Cali Cabdi wuxu Qoraalkiisa ku yidhi:
((ü Sannadkii 1794-kii ayey ahayd markii ugu horaysay ee la arkay soomaali magaalada gudaheeda ka shaqaynaysa. Soomaalidan ayaa ka yimid dalalka jasiirada carabta, taaso keentay inay dhexgalaan carabtii maamulaysay magaalada. Ganacsigii magaalada ayey si buuxda uga dhex-muuqdeen.
Maamuladii soomaalida:
maamulkii Ahmed Nuux (Ahmed Nuh period 1800 upto 1905)
ü Sannadkii 1800-kii waxa magaalada maamulkeedii toos ula wareegay beesha Axmed Nuux (Reer Axmed).waana maamulkii ugu horeeyey ee soomaali yeelato. Beeshani waxay samaysay maamul ka kooban saddex qaybood )).
Waxan Shacabka Somaliland u Dhaafayaa , Berbera Goormaa Iran, Hindi iyo Carabi ay yeelatay!!! Dalkaba ma 1800 ayeynu soo Degnay??? Beelaha Kale ee aan Isaaq ahayn Goormay iyaguna Dalka Soo Degeen??? Waxan Qoraaga Dhinac ka Xasuusinayaa, Kolkad Jiritaanka Somaliland uu laba boqol oo sanno ku koobay!!!Waxan Jawaabaha u Dhaafayaa Shacabkayga Reer Somaliland!!!
Mudane Suxufi Coomay,waxaan u soo jeedin lahaa in aanu ku degdegin faro gelin uu ku sameeyo Taarikhda qaaliga ah ee naftood hurayaashii SNM ee isku nafta ahaa, dalkana xoreeyey,halgankii iyo dhacdooyinkii xususta gaarka mudan idilkood . Waayo,maqaaladiisa taxanaha ah ayaa waxaa ay yihiin kuwo ku socda xawaare aad u dheeraynaya oo laga dheehan karo inta badan warar aan sugnayn,kutiri-kunteeno iyo,xigashooyin dhinac ka raran.
Gabagabo:
Waxan Illaahay Ka Baryayaa Bahda Saxaafadda intii Geeriyootay, Denbi Dhaaf iyo Fasiixa Janaatihii Aamiin.
Inta Noolna Bashbash iyo Caafimaad ayaan u Rajeynayaa iyaga Reerahoodaba, Sharaf baa Naga Mudan Tihiin.
Waxan Xasuus Gaar ah ku Salaamayaa Saddex Wariye oo Saataafigidhka aan Siiyey March 1971 kii oo kla ahaa:
1 ) Saxafi Yussuf Ali Hersi ( Weli ).
2 ) Saxafi Ahmed Kilaas Jama
3 ) Saxafi Dahir Ismail Haji Adan
Caaqil Abdulrahman Hassan Haji Adan
Ludvika Sweden