Wsiirkii hore ee Qorshenyta Somaliland Cali Sanyare oo ka faalooday gaabiska ka taagan higsigii ahaa in nidaam maaliyadeed oo hufan loo sameeyo somaliland(DHEGEYSO PRT 4)
Geneva Feb 2015(SDN/QJ)-Mudane Cali Ibraahim Moxamed (Cali Sanyare) oo ahaa Wasiirkii Qorsheynta Qaranka iyo Xidhiidhka Ha’yadaha Caalamiga ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ayaa, isagoo joga magaalada Jineefa (dalka Swiserlaan), aannu la yeelanay wareysi dheer oo dhinacyo badan taabanya. Waa wareysi taxana ah oo socon doona dhawr todobaad todobaad.Kala soco qurbejoog.com
Wuxuu Qeybtii KOWAAD ee WAREYSIGA uu Wasiir Cali-Sanyare noogu sheegay in aannu xisbina ku biirin intii xisbigiisii UDUB saaxada ka baxay. Hase ahaatee, aanu ka bixin isgu siyaasada ku jiro saaxada siyaaasadda. Wasiirku waxa uu qeybtaa 1aad uga hadlay ra’yigiisa ku wajahan doorashada la filayo inay ka qabsoonto somaliland bilaha soo socda . Wuxuu, si qotadheer ,ugu hadlay gaabiska ka jira qabanqaabada doorashada iyo saameynta ku yeelan karto geedi socodkii diimoqraadiyadeed ee dalka
Qeybtii LABAAD ee WAREYSIGA oo soo baxay maalintii JIMCAHA ee bisha Feberwari ahayd 6 da. 20015ka, wuxuu Wasiir Cali-Sanyare is-barbar dhigay isbedel doonkii KULMIYE xukunka kaga tuuray UDUB sanadkii 20010ka iyo guuxa u eg bilowgii kacdoon bulsho ee hadda ka jira Somaliland oo saadaalinaya isbedel kale oo KULMIYE ka saari kara xukunka markii doorashadu dhabowdo.
QAYBTA SADDEXAAD: (13ka febarwari) Waxa wasiir Cali Sanyre ka faalooday xiisadaha colaadeed iyo siyaasadeed ee ka jira gobolada darafyada somaliland. Wuxuu Wasiir Cali- Sanyare u soo jeediin doona talooyin wax ku ool ah dhinacyada ay khuseyso. Kuwaas oo uu ku jiro Suldan Abiibakar Weber.
Qeybtan 4raad iyo todobaadkana Wuxuu Wasiir Cali is-dultaagi doona gaabiska ka taagan higsigii ahaa in nidaam maaliyadeed oo hufan loo sameeyo somaliland.
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/san4.mp3″]
HALKAN GUJJI SI AAD U DHEGEYSATO WAREYSIGA CALI SANYARE